Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta kulankii ay yeesheen waxay kaga doodeen kiiska ganadhii la gubay iyadoo xildhibaanada badankood soo jeediyeen in sharciga la hor keeno gacan ku dhiiglaha.

Xildhibaan Cali Xaaji ayaa xadiis u soo daliishaday in qofkii qariye eedeysanne inay ku dhafday nacalada Alle .

Advertisement

“Dadka qarinaya ninkaas eedeysanaha ah lacnad Alle ayaa ku dhacday sida uu Rasuulku (scw) sheegay.”ayuu yiri Xildhibaan Cali Xaaji

Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan  ayaa isna  ku baaqay in eedeysanaha Cadaaladda la horkeen, dowladduna Carruurtii ay ka tagtay ay kafaala qaado.

Sidoo kale Xildhibaan Moallimu ayaa isna soo jeediyay in Guddiga Cadaaladda ee Baarlaanku arrintaan dabagal haku sameeyo

“lama aqbali karo waa baxsaday. Waa in cadaalada la hor keeno”ayuu yiri Xildhibaan macalimuu

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleBooliska oo sheegay inuu baxsaday gacan ku dhiiglihii Xaaskiisii gubey
Next articleLafta-gareen oo kormeeray kontoroolada laga ilaaliyo Amniga Baydhabo +SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here