MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa maanta oo arbaco ah kulan ku leh Magaalada Muqdisho Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Shirkaan waxaa ugu horeyn lagu dhaarin doonaa Labadii Wasiir ee dhawaan uu soo magacaabay Ra’iisulwasaaraha Somalia Xamze Cabdi-Barre kadib markii uu xilka ka qaaday wasiiradii hore boosaskaasi u joogay.

Advertisement

Labada Wasiir ee la dhaarinaayo ayaa kala ah Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Cabfi Xayir Masteeye iyo Wasiirka howlaha guud iyo guryeynta C/salaan Maxamed Cali.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa dhaarta kadib waxay guda geli doonaan ajandaha kulankooda maanta kaasoo ah aqrinta koowaad mari doona hibdise sharciyeedka xuquuqda Naafada Somaliyed.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Haweenka iyo xuquuqda aadanaha ayaa shirka ka casuuman madaama ay iyagu soo gudhiyeen hindisahaan si loo meel mariyo.

Dhakka kale dhamaadka shirka waxaa lagu wadaa in lagu qeybiyo hindise sharciyeed ka hadlaya cadaalada dhalinta Somalia oo ay soo gud-bisay Wasaarada Cadaalada.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleDrones-ka Shiinaha lagu sameeyo oo qabsaday suuqyada Mareykanka iyo xiisad ka dhalatay
Next articleMadaxweynihi hore Farmaajo oo ka qeybgalaya shirka wada-tashiga Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here