MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Qaar ka mida Xildhibaanada Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay natiijada ka zoo baxday kulankii maanta ay yeesheen Xildhibaanada labada aqal.

Xildhibaan  Maxamed Cabdulqaadir oo ka mida mudanayaashii maanta ansixiyay xeerka wax ka badalka dastuurka ayaa sheegay in maanta laga gud-bay caqabad weyn.

Advertisement

“Soomaaliya maanta waxaan ka gudbinay caqabadii ugu weyneed weyn ee hortaagneed”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed C/qaadir.

Sidoo kale wuxuu sheegay in 15 sano la hortaagnaa qabyo tirka dastuurka laakiin hada laga gudbay islamarkaana ay dhameystiri doonaan inta harsan

Sidoo kale Xildhibaan Muqtaar Maxamed Guudleed ayaa isna daboolka ka qaadayin in wixii hada ka danbeeya uusan dastuurku noqon doonin mashruuc la iska haysto

Dastuurka ma sii ahaan doono mashruux la iska sii heysto ee waa la dhamaystirayaa”ayuu yiri Xildhibaan Mukhtaar.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleSarkaal ka socday Midowga Yurub oo Dowlada kala hadlay Amniga Badda Somalia
Next articleJAWIIL: Dab ka kacay Kaalin shidaal oo faafay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here