Garowe (dayniiile.com)-Wararka laga helaayo Magaalada Garowe ee Xarunta Maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegaya in saaka ay balansan yihiin mudanayaasha Baarlamaanka Puntland.

Kulanka Xildhibaanada oo xiisad uu ka taagnaa ayaa xal loo helay markii gabi ahaanba ajandaha laga saaray qodobkii keenay xiisada dagaal ee ahaa u codeynta xeerka doorashooyinka qof iyo cod.

Advertisement

Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa aad uga hor yimid qodobkaasi oo ay u arkaan hubka kaliya ee Madaxxweyne Saciid Dani uu u adeegsanayo mudo kororsi uu doonayo inuu sameysto.

Qodobkan xeerka doorashada oo ahaa waxa kaliya ee colaada ku keenay Magalada Garowe ayaa ugu danbeyn laga saaray ajandaha markii loo aqoonsaday inuu dib u dhac ku keenay shaqadii Baarlamaanka Puntland.

Dhanka kale gudoonka Baarlamanka Puntland ayaa la kulmay qaar laga xulay haween reer Puntlnad ah oo maalmihii ugu danbeeyay hor tubnaa xarunta madaxtooyada iyo mida baarlamanka kuwaasoo diidanaa inuu furmo kulamada baarlamaanka cabsi ay ka qabeen in dagaal uu ka dhasho,haweenkaan ayaa door ku yeeshay sidii looga hor tagi lahaa dagaal garowe ku dhex mara xukuumada Dani iyo mucaaradkiisa.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleIsraa’iil oo jabisay heshiiskii Xabad joojinta iyo Xamaas oo hakisay sii deynta maxaabiista
Next articleRa’iisulwasaare Xamze oo Maanta ku wajahan Magaalada Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here