Qaar ka mid ah Musharaxiinta uu ka mid yahay Musharax MW farmaajo iyo Musharax MW Xasan Sheikh ayaa Hadal jeedintooda Musharaxnimo ku faanay inay Ciidanka dhiseen

Dhismaha Ciidanka qaranka Soomaaliyeed Waxaa dhisay Musharax MW X.C.Khayre wax qarsoon ma ahan Guul uu gaarey Siyaasi u dhabar adaygay inuu sheegto siyaasi kale ma ahan.

Markuu howshaan bilaabaayey Siyaasiyiin iyo Madax hore ayaa uga digay khayre inuu ku Fashilmi doono dhismaha Ciidanka uuna iska daayo laakiin si geesinimo ah ayuu ugu dhaqaaqay wuuna ku guuleystay.

Sababtuna waxay ahayd daacadnimada iyo inuu Khibrad Siyaasadeed u leeyahay in wax walba lagu Guuleysanaayo haddii lagu dadaalo
Musharax X.C.khayre wuxuu sameyey:
Wuu dhisay ciidanka,
Wuu u magacaabay saraakiil dhalinyaro ah
Wuu qalabeeyey.
Wuu tirakoobay.
Wuu kormeeray.
Mushaar joogta ah oo tellka ugu soo dhacayso
Mushaar kordhin.
Raashin fiican oo tayo leh.
Caafimaadka Ciidanka.
Muraalkooda ayuu kor u qaaday.

Marka ninkii intaas qabtay in lala sheegro ma ahan waana loo jeedaa wixii Musharax khayre Xiligiisii ka horeeyey maxaa guushaas loo Sheegan waayey.
Sawiradaan waxaa ku jiro kormeer Habeenimo uu samaynaayo RW hore khayre.

#HiigsiIyoHorumar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here