Xildhibaannada baarlamaanka 11aad ma ahan kuwo lagu qaldi karo olole dhinac kasta ah oo taagan maalmaha kooban ee doorashada ka haray balse waa kuwo waaqici ah oo Musharax kasta og taariikhdiisa hore kuna qiimeyn doono maalinka codeynta sooyaalkiisa taariikheed ee fadlan inaga daaya shaqsiyaadka aad shacabka Soomaaliyeed ku marin habaabineysaan oo aad xafiisyadiinii ku ilowdeen.

Waa fadeexo weyn in wasiiradii xukuumadda oo dhan ay shaqsi ka raadiyaan olole siyaasadeed iyadoo la ogyahay in xukuumadda ay ku fashilantay ka shaqeynta hawlihii loo igmaday oo maanta ay shacabka Soomaaliyeed iyo xildhibaanadaba ka dheregsanyihiin in dalka ay geliyeen deymo cusub.

15May & Hoolka Afisyoone i.a

#Xog-ogaalnimo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here