Warar ku dhaw dhaw Ururka dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa sheegaya in ugu danbeyn la soo gabagabeeyay dacwadii ka dhanka ahayd Xildhibaannada ku matayala Soomaaliya Barlamaanka ururkaani taasoo maalmo soo soctay.
Maxkamadda Racfaanka ee Bulshada Bariga Afrika ayaa si rasmi ah u shaacisay in Xildhibaannada ku matayala Soomaaliya Barlamaanka Bariga Afrika ay yihiin kuwa sharci ah, islamarkaana meesha laga saaray dacwo ka dhan ahayd.
Dacwada xoogeeda ayaa ahayd in Xildhibaanadaani Dowladu ku soo xushay qaab musuq maasuq ah islamarkaana ay u badan yihiin dad aan u qalmin balse hada taasi meesha way ka baxday waxaana maanta lagu dhawaaqay inay ansax yihiin oo ay Somaliya ku matali doonaan xubnihii Dowladu soo saartay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
