Maanta oo Isniin ah ayaa la filayaa in Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka 11aad inay  Magaalada Muqdisho ku yeeshaan kulan wadajir ah oo ay kaga hadlayaan ajandayaal dhowr ah.

Kulanka oo ay guddoomin doonaan Guddoomiyeyaasha KMG ah ee labada Aqal ayaa waxaa looga hadlai doonaa Ajandayaasha kala ah.

1. Ansaxinta wax ka badelka Habraaca ku-meel-gaark ah ee u gaarka ah Doorashooyinka Guddoonka labada Gole iyo Madaxweynaha.

2. Warbixin ku saabsan hawlaha u qabsoomay iyo kuwa soo socda ee Guddiga Qabanqaabada Golaha Shacabka

In kastoo kulankaas la iclaamiyay qabsoomidiisa ayaa waxaa jira Xildbibaano kamid ah Golaha Shacabka oo sheegay in Villa Somalia ay wado qorsho ay ku baajineyso kulanka labada Aqal.

Shaqooyinka ugu horreeya ee horyaalla Xildhibaannada labada Aqal ayaa waxaa kamid ah doorashada Guddoonka labada Aqal iyo tan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Shaqooyin kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here