Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Federaal ee FEIT ayaa maalintii 7aad oo xiriir ah ku howlan bixinta shahaadada rasmiga ah oo uu siinayo Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarada Aqalka Sare Baarlamaanka 11aad ee JFS.
FEIT ayaa sheegay in Shahaado bixinta Xildhibaannada iyo Senatarada Baarlamaanka Federaalka ay socon doonto ilaa 13ka April 2022 oo ah (Arbacada) maalin kahor waqtiga uu Guddigu shaaciyay in uu qabanayo munaasabadda lagu dhaarinayo labada ee BFS.
Xubnaha maanta qaatay Shahaadada rasmiga ah ayaa kala ah:
Senator: Farxan Cali Maxamuud oo ah Wasiirka Maaliyadda DG Galmudug kuna fadhiya kursiga tirsigiisu yahay AS#10.
Senator: Cabdirisaq Maxamed Cismaan oo ku fadhiya AS#03.
Xildhibaanad: Sahra Cabdulle Cigaal (Bundubte) oo fadhisa HOP#094.
Guddiga FEIT maanta shahaadada rasmiga siinaya tiro Xildhibaanno iyo Senataro ah oo katirsan Baarlamaanka 11aad ee JFS.