MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xildhibaano Dowlada ka tirsan ayaa maanta tagay dhulka Warshadda Birta ee Magaalada Muqdisho halkaasoo dhawaan Dowladu xoog uga saartay dad shacaba oo sanado badan halkaasi deegaan ay u ahayd kadibn cagaf dul marisay guriyihii ka dhisnaa.
Xildhibaanada oo dowladnimada ku matala inta badan qoysaskii deganaa dhulka Warshadda Birta ayaa si kulul uga hadlay goobt iyagoo shacabkii oo isku soo baxay ku dhiiri-geliyay inay Dowlada ka hor imaadaan oo difaacdan dhulka isla-markaana ay iyagu garab taagnaan doonaan.
Xildhibaanad Faa’iso Jeyte ayaa goobta ka sheegtay in Madaxweynuhu awood u lahayn in shacabka dhulka ay degan yihiin ina ka kiciyo shacab kale siiyo, waxay ugu baaqday shacabka ku reerka ah inay is difaacaan.
“Madaxweynuhu dhul Dowlo intuu shacab ka qaado ma siin karo shacab kele, waa inaad is difaacdaan anagana banaankaan idin taganahay”ayay tiri Xildhibaanad Faa’iso Jeyte a
Sidoo kale Xildhiban Dhagaweyne wuxuu isna ka dhawaajiyay in Dowladu xaq u lahayn inay in dadka degan Warshadda Birta in halka ay degan yihiin inta cagaf la geliyo dad kale la siiyo.
“lama aqbalao shaqsi ganacsade ah oo lacag wata in shacabka loo barakaciyo, Dowladu waxay ka shaqeyneysaa inuu dhaco kacdoon dadweyne oo waxa ka dhalan karana oo meesha uu ku dhamaan doono aysan qurux badanayn”ayuu yiri Xildhiban Dhagaweyne
Lama yaqaan waxay ka badeli karaan Xildhibanadaani xili goor horaba cagafyadu burburiyeen xaafadihii dadku daganaayeen, waxayna cagafyadu ka dhigeen dhul banaan, xili sidaas oo kale dowladu burburisay dhamaan dhulalka ay amartay in laga baxo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

