HomeWarkiiXildhibaano isku balansaday furimaha dagaalka Geddo iyagoo la kala safan Dowlada iyo...

Xildhibaano isku balansaday furimaha dagaalka Geddo iyagoo la kala safan Dowlada iyo Jubaland

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye ayaa furimaha dagaalka Geddo wuxuu ku balansaday Xildhibaan Xassan Firinbi oo dhawaan iclaamiyay dagaaal ka dhan ah ciidamnada Dowlada sida uu Xil. Nuur  uu sheegaY.

Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye wuxuu ugu hanjabay Xildhibaan Xassan Firinbi inuu dagaalka ku soo qaban doono isagoo jeebeysan,wuxuu ku eedeeyay inuu dagaal ooge yahay.

“Waxaan leeyahay Xassanow soo raac ciidanka ,wiilasha kaligood ha soo dirin anigana beri insha allaah waxaan soo raaci Heyla-kobtarka ciidanka meeshay imaanayaan aan isugu imaano,ciidankana waan qarameyn oo xuquuqdooda ayaan siin doonaa hadii Alle idmo, adigana sil silad baan qoorta kaa soo surayaa”ayuu yiri Xildhibaan Nuur Axmed

Sidoo kale Xildhibaanka wuxuu soo hadal qaaday saameynta Dowlada Imaaraadka ku leedahay Somalia isagoo sheegay inay imaaraadku maamulaan inta badan madaxda maamulada iyo ganacsatada qaar sida uu warka u dhigay.

Dhanka kale Dowladaha dariska ah ayuu uga digay inay la macaamilaan masuuliyiinta hor kaceysa ciidamada Dowlada ka soo horjeeda,dalalka dariska wuxuu ku amaanay inay Somalia daris iyo walaalba la leeyihiin.

“waxaan rabaa inaan la hadlo Kenya iyo Itoobiya deris baa nala tihiin abaal baad nagu leedihiin waxaan idinka codsanayaa inuusan axmed madoobe shaatigiina wasaqeyn  islamarkaana soomaali isku dirin”ayuu yiri Xildibaanka

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -