Wafdi Balaaran oo isgu jirey Xildhibaano heer Faderaal iyo Heer Dowlada Goboleed,Sarakiil Ciidan iyo Nabadoono ka soo jeeda Udeejeen ayaa maanta gaaray Degmada Jawiil ee Gobolka Hiiraan.

Masuuliyiintaan oo ka baxay Magaalada Muqdisho markii ay ka degeen garoonka diyaaradaha Baladweyne waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Degmada Jawiil C/qaadir Cabdi C/laahi iyo Gudoomiye xigeenka Magaalada Baladweyne C/laahi Faracaaro kadibna waxay u galbiyeen Degmada Jawiil ee bartamaha Gobolka Hiiraan halkaasoo ahayd ujeedka safarkooda.

Advertisement

Shacabka ku dhaqan Magaalada jawiil ayaa si weyn usoo dhaweeyay wafdigaan oo ay ka mid yihiin Xildhibaan   Maxamuud Abuukaate oo ka tirsan Dowlada Faderaalka Soomaaliya ,Col.Cali Xaashi,Col.Ilkacase ,Xildhibaan Salaad Pakistaan,Nabadoon Cusmaan,Nabadoon Buruki iyo masuuliyiin kale.

Wafdigaan waxaa lagu wadaa inay u kuur galaan siday tahay xaalada nololeed ee shacabka ay ku matalaan Baarlamaanka iyadoo lagu wado inay dhowr maalin sii joogaan.

Ugu horeyn Wafdigaan waxay booqdeen xarunta degmada Jawiil ,Isbitaalka, guriga martiga iyo goobo kale oo muhiim ah iyadoo meel kastana shacaba iyo masuuliyiinta degmadu ay ku soo dhawenayeen wafdiga.

Booqashada Xildhibaanada iyo Saraakiisha asal ahaan degmadaasi ka soo jeeda kulamadooda danbe waXaxaan idibnku soo gudbineynaa wararkeena dannbe insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

No description available.

No description available.

No description available.

No description available.No description available.

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

Previous articleMadaxweyne Xasan oo Dhuusa-mareeb kula kulmay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Gor-Gor+SAWIRRO
Next articleBeesha Hilibi Maxamed ee Murusade oo caawa soo bandhigtay ciidamadii ka qeyb gali lahaa xureynta deegaanada Ceel Buur iyo Galhareeri

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here