Galdogob (dayniiile.com)-Xildhiban Axmed Taajir iyo Xildhibaan Caga-weyne ayaa ka hadleen dagaal beeledkii saaka ka dhacay deegaanka dalsan oo ku dhaw Magaalada Galdogob ee Gobolka Mudug kaasoo sababay dhimasho  badan.

Xildhibaan Axmed Taajir wuxuu xusay labada Beelood ee Mudug wada dega inay yihiin dad walaalo ah oo sanadkii 2020-kiina ay kala saxiixdeen heshiis buuxa.

Advertisement

“dagaalkaan waxaa wada gacmo kale waxaana la doonayaa in lagu curyaamiyo dagaalka khawaarijta lagula jiro ee ka socda Gobolka Mudug”ayuu yiri Xildhibaan Axmed Taajir

Mudanahaan wuxuu intaasi ku daray in isaga oo ku hadlaaya afka xildhibaanada,siyaasiyiinta iyo waxgaradka inuu ugu baaqayo dadka walaalaha ah colaada islamarkaana ay diyaar u yihiin inay gaaraan halkaasi si loo soo cusbooneysiiyo heshiisyadii hore loo galay 2020-kii.

Dhanka kake Xildhibaan Caga-weyne ayaa isna ka tacsiyeeyay dhamaan dadkii walaalaha ahaa ee ku geeriyooday dagaalka halka kuwa dhaawacyada qabana uu caafimaad u rajeeyay.

“2020-kii ayay dadka walaalaha heshiis wada saxiixdeen intaas kadib waa markii xigtay maanta oo  mud  sedex sano ah kadib uu dhaco duulaan nuucaas ah, waxaan ku baaqaynaa in laga hor istaago wax ma garadka labada beelood, waxaan aaminsanahay inay u shaqeynayaan nimankaasi   khawaarijta caddowga ah”ayuu yiri Xildhibaan Caga-weyne

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

No description available.

Previous articleKaniisad soo duntay oo dad badani ku dhinteen.
Next articleAbwaan Bashiiir Xaddi Axmed oo lagu aasay Boorama

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here