Muqdisho (dayniiile.com)-Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Baarlamaanka kaga dhawaaqay Kutlo ay ku mideysan yihiin islamarkaana mucaarad ku ah siyaasada Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Waxaan Golaha shacabka hortiisa kaga dhawaaqeynaa magaca Kutlada Toosin Qaran,magacaas oo u taagan ilaalinta Dastuurka iyo xeer hoosadka Baarlamaanka Soomaaliya”ayuu yiri Xildhibaan u ku dhawaaqayay kutladaasi.

Advertisement

Qoraal ka soo baxay Kutlada ayay ugu horeyn Waxay kaga tacsiyeeyeen dhamaan dadkii ku geeriyooday roobabka iyo fatahaadaha wabiga,waxay Alle uga baryeen inuu u naxariisto intii ku dhimatay roobabkaasi.

Ujeedooyinka kutlada
1-Matalaada guud ee shacabka Soomaaliyeed
2-kor joogteynta iyo isla xisaabtanka Hay’adaha dowlada.
3-dejinta iyo ilaalinta shuruucda  iyo ku dhaqanka xerarka u yaal dalka.

Aragtida kutlada

“Waxaan walaac ka muujineynaa go’aamadii ka soo baxay golaha wada tashiga qaran” ayaa lagu yiri qoraalka kutlada ka soo baxay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleBerbaPrime Reviews- Must Read
Next articleMind Vitality Reviews: Real MindVitality Focus Brain Pills

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here