Waxaa caawa Xaafada Shiirkole ee degmada Hodan ka taagan xiisad dagaal oo laga cabsi qabo in uu ka dhax qarxo ciidamo badan oo daacad u ah Janaraal Saadaq Joon iyo ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa caawa gaaray xaafada Shiirke ee degmada Hodan, ciidamadan ayaana ku sugan guri uu halkaasi ka degay Janaraal Saadaq Joon.

Sida aan wararka ku helnay Xildhibaanada caawa gaaray waxaa kamid ah Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawadaa , Xildhibaan Mahad Salaad iyo Xildhibaan Cabdi Saabir oo sidoo kale ah Wasiirka kaluumeesiga maamulka Galmudug.

Xildhibaanadan iyo kuwa kale oo katirsan Baarlamaanka federaalka kuna heyb ah Saadaq Joon ayaa wararku sheegayaan in ay deegaansanayaan xaafada Shiirkole halkaas oo xiisad dagaal ka jirto.

Mahad Salaad oo kamid ah Xildhibaanada caawa ku sugan xaafada Shiirkole ayaa sheegay in Farmaajo iyo taliyaha Hay’ada nabad sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin ay duulaan kusoo yihiin xaafada Shiirkole , waxa uuna ku baaqay in ciidankaasi la iska difaaco.

”Xildhibaanadeena Habar Gidir ayaa hada soo gaaray Shiirkole. Farmaajo, Fahad iyo Biixi dadkeena ayay duulaan ku yihiin. Dadkeena waxaan ugu baaqaynaa in ay iska difaacaan cadowga iso soo bahaystay. Waanan ka guuleysanaynaa inshaa’allah” ayuu yiri Mahad Salaad.

Xaafada Shiirkole oo ah xaafada ay ku badan yihiin qabiilka uu kasoo jeedo Saadaq Joon ayaana caawa si weyn looga dareemayaa xiisad dagaal, waxaana laga cabsi qabaa in xaafadaasi weerar ku qaadaan ciidamo ka amar qaata Madaxweyne Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here