Xildhibànad Marwo Cabdi Bashiir oo ka mida Baarlamaanka Soomaaliya  kana mid ahayd musharixiin u taagnaa Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanada Adduunka ayaa ku guul dareysatay tartankaasi markii ay heshay codad yar.
Xilkaasi waxaa goor dhaw loo doortay oo ku guuleysatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Tanzania, Dr Tulia Ackson markii ay heshay codad dhan 57% codadki ay bixiyeen 130 xildhibaan, waxayna ku guuleysatay inay noqoto Gudoomiyaha Midowga Baarlamaanada Adduunka (IPU) ee 31-aad.
Xildhibànad Marwo Cabdi Bashiir oo ku guul-dareysatay hamigeedii ayaa heshay 11 cod waxayna ku eedeysay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya  Sh.Aadan Madoobe  inuu sabab u yahay guul daradaasi ku dhacday.
“Aadan Madoobe wuxuu iga soo daba direy warqad uu ku leeyahay Soomaaliya way ka baxday tartanka, sidaas ayay taageerayaasheyda  codadkoodii igala noqdeen laakiin ima niyad jabin warqdaasi waana iska galay tartanka waxaana helay 11 cod oo kaliya”ayay tiri Marwo Cabdi Bashiir oo wareysi siineysay Tv-ga Universal
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.XOM

Previous articleMaxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan iyo dhigiisa Turkiga
Next articleGudoomiye xigeenka Baarlamaanka oo Magaalada Luanda kulmay dhigiisa Dalka Angola+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here