HomeWarkiiXildhibanada Beesha Habar-gidir oo Dowlada u hanjabay

Xildhibanada Beesha Habar-gidir oo Dowlada u hanjabay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Beesha Habar-gidir ayaa bilowday inay u muujiso Dowlada Somalia sida ay uga xun yihiin ugana soo horjeedaan hab maamulk Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.
Hotel Afrik ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay maanta isku balansadeen kuna shireen xildhibaanada Beesha Habar-gidir qaarkood kuwaasoo cadaalo daro ku tilmaamay sida loo maareeyay doorkii siyaasadeed ee ay ku lahaayeen Maamulka Gobolka Banaadir.
Xildhibaanada Beeshaani waxay si gaar ah uga cabanayaan tallaabadii xalay looga qaaday xilka guddoomiyaha degmada Heliwaa oo reerkaasi ka soo jeeday xili aan meel kale loogu badalin.
Xildhibaanada waxay sidoo kale shirkooda ku sheegeen in si cad la iskaga indha tiray xaquuqda Beeshu ku laheed Gobalka Banaadir ee xaga xilal qeybsiga.
Mudanayaasha waxay ku hanjabeen hadii aan loo soo celin xilalka iyo saamiga beesha ee Gobalka Banaadir, inay beesha Habar-gidir qaadan doonto go’aamo siyaasadeed oo adag gaar ahaan inay si buuxda u taageeri doonaan mooshinka xilka looga qaadayo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -