Xildhibaanada berrito la dhaarin raba waxaa subixii 9:30 lagu ballamiyey Xerada Ciidamada boliiska Gen kaahiye degmada xamar jajab ee magaalada muqdisho halkaasi ayaa gaari bas ah yaala oo geynaaya Teendhada Afisyooni gaariga Xildhibaan wuxuu uga tagaayaa barxada Xerada Gen Kaahiye.

Waxaa jiri kara in qof lugeynaaya baska isku qarxiyo ama Xildhibaanka ugu muhiimsan inta uusan baska fuulin gaarigiisa qof miineysan qabsado sida loo diley xildhibaanad Aamino mohamed Abdi iyo sida loo dhaawacay Afhayeenka Dowladda federaalka Somaliya Xildhibaan mohamed Ibraahin macalmuu.

Xildhibaanada degen gudaha garoonka diyaaradaha magaalada muqdisho waxaa lagu wada ballamiyey saldhiga booliska garoonka muqdisho halkaasi ayaa bas looga qaadaayaa isla wax kale ayaan ka dhex arkaa howshaasi

daroonka diyaaradaha magaalada muqdisho amnigiisa NISA ayaa gacanta ku heysa qofka NISA hadda jooga wuxuu u shaqeeyaa fahad yaasiin

Waxaa kaloo jiri kara madaafiic kasoo dhacda gudaha magaalada muqdisho ama agagaarka magaalada muqdisho maadaama xaley ururka Alshabaab kusoo dhowaadeen Xeebta jasiira ee magaalada muqdisho.

Berrito khatar dhanka Amniga ah ayaa kajirta magaalada muqdisho labada Alshabaab ayaa wadashaqayn leh Alshabaabka gudaha iyo Alshabaabka banaanka jooga.

By Abdisatar hassan Ali
mahadsanidiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here