Xilli aroor hore ah ayey militariga dalka Myanmar xabsiga dhigeen hoggaamiyaha daaha gadaashiida waddankaas ka maamuleysay ee lagu magacaabo Aung San Suu Kyi iyo siyaasiyiin kale, ka hor inta aysan maamulka guud ahaan la wareegin.

Afgambiga ayaa yimid xilli ay sare u kacday xiisadda u dhaxeysa dowladda rayidka ah ee Suu Kyi iyo militariga, taasoo daba socotay natiijadii doorashada ee lagu murmay.

Doorashada oo dhacday bishii November ee sanadkii hore, ayey xisbiga NLD ee Suu Kyi ka heleen kuraas ku filan oo u oggolaanaya inay dowlad dhisaan.

Maanta oo Isniin ah, wax yar uun ka hor inta uusan furmin kalfadhigii ugu horreeyay ee baarlamaanka, tan iyo markii ay doorashada dhacday, ayey milatarigu sheegeen in ay awoodda dalka ku wareejinayaan taliyahooda guud, Min Aung Hlaing, maadaama “doorashada la musuqmaasuqay”.

 

Telefishin ku hadla afka militariga ayaa sheegay in waddanka lagu soo rogay xaalad deg deg ah oo soconeysa muddo hal sano ah inta awoodda lagu kala wareegayo. Laakiin Aung San Suu Kyi ayaa taageerayaasheeda ku boorrisay “in aysan aqbalin arrintan” ayna “ka mudaharaadaan afgambiga”.

Myanmar, oo sidoo kale loo yaqaanno Burma, waxaa xukumayay militariga ilaa inta ay isbadallada dimuqraadiyadeed ka billaabanayeen sanadkii 2011-kii.

Sanadkii 2015-kii, markii ay waddankaas ka dhacday doorashadii ugu horreysay oo si madax bannaan loogu tartamay muddo tobannaan sano gudahood ah, Aung San Suu Kyi ayaa qabsatay xukunka kaddib markii ay guul taariikhi ah ka gaadhay doorashada.

Waxaa loo arkayay in ay tahay qof ku dayasho mudan oo u dadaalay dimuqraadiyadda, sidoo kalena xuquuqdeeda uga tanaasushay si ay ula dagaallanto janaraallada xukunka adag ee militariga.

Gudaha dalkeeda, wali waxay ka tahay qof taageero ballaadhan ka heysa shacabka u baan diinta Budiistaha

 

Laakiin dhinaca caalamka, sida ay uga jawaabtay xasaradaha muslimiinta Rohingya awgeed, waxaa looga arkaa qof ay sumcad darro weyn ku dhacday.

Maamulka Aung San Suu Kyi waxaa lagu bartay sida uu ula dhaqmay qoomiyadda muslimiinta u badan ee Rohingya – oo dalkaas looga tiro badan yahay. Haddaba sidee bay haweeneydan nabadda ku caan baxday ku gaartay heerkan?

Waddadii ay hoggaanka ku qabatay

 

Aung San Suu Kyi waxay xabsi ku qaadatay ku dhawaad 15 sano, intii u dhaxeysay 1989-kii iyo 2010-kii.

Sanadkii 1991-kii waxaa la guddoonsiiyay abaalmarinta nabadda ee Nobel, xilli ay wali ku jirtay xabsi guri, waxaana lagu tilmaamay “qof u dooda xuquuqda dadka aan awoodda lahayn”.

 

hibaatadii ay shakhsi ahaan uga soo martay sidii ay dimyuqraadiyad uga abuuri lahayd waddanka Myanmar ee ay xilligaas xukumayeen milatariga ayaa ka dhigay qof lagu qaddariyo mucaaradnimada nabadeysan.

Bishii November ee sanadkii 2015-kii waxay xisbiga National League for Democracy (NLD) ku hoggaamisay guul doorasho oo taariikhi ah kaddib markii ay ka qeyb gashay doorashadii ugu horreysay ee si xor ah uga dhacda Myanmar muddo 25 sano ah.

Dastuurka Myanmar uga oggolaanayo iyada in ay noqoto madaxweyne, maadaama ay leedahay carruur heysta dhalashooyin ajnabi ah. Laakiin Suu Kyi, oo hadda 75 jir ah, ayaa si weyn loogu arkaa in ay tahay hoggaamiyaha daaha gadaashiisa ka xukunta waddanka.

Jahageeda rasmiga ah waa xubin ka tirsan dowladda. Madaxweynaha, oo lagu magacaabo Win Myint, waa nin ay aad isugu dhow yihiin.

‘Kama duwanaan karin’

 

uu Kyi waa gabadha uu dhalay halyeygii xornimada Myanmar ee lagu magacaabi jiray Janaraal Aung San.

Waxaa aabbeheed la dilay labo sano kaliya jirta, wax yar ka hor inta aysan Myanmar xornimada ka qaadanin gumeystihii Ingiriiska, sanadkii 1948-kii.

Sanadkii 1960-kii waxay Hindiya u raacday hooyadeed Daw Khin Kyi, oo loo magacaabay inay noqoto danjiraha Myanmar ee Delhi.

Afar sano kaddib waxay aadday jaamacadda Oxford ee UK, halkaas oo ay ku baratay cilmiga siyaasadda iyo dhaqaalaha. Waxay isla halkaas kula kulantay ninka mustaqbalka noqday seygeeda, Michael Aris.

Muddo markii ay ku nooleyd Japan iyo Bhutan, waxay ugu dambeyn dagtay UK, si ay u koriyaan labadooda carruurta ah oo kala ah Alexander iyo Kim, laakiin waligeed niyadda kama aysan saarin Myanmar.

 

Markii ay dib ugu laabatay Rangoon (oo hadda la yiraahdo Yangon) sanadkii 1988-kii – si ay u xannaaneyso hooyadeed oo aad u xanuunsaneyd – Myanmar waxay ku jirtay xasarado siyaasadeed.

Kumannaan qof oo isugu jiray arday, shaqaalaha xafiisyada iyo wadaad diimeedyo ayaa waddooyinka ku mudaharaadayay iyagoo dalbanaya isbaddal dimuqraaddiyadeed.

“Anigana maadaama aan aabbeheey gabadhiisa ahayn kama aanan duwanaan karin waxa dhacayay,” ayey ku tidhi khudbad ay Rangoon ka jeedisay 26 August 1988. Waxay go’aansatay in ay horkacyo mudaraadyadii looga soo hor jeeday kali-taliyihii xilligaas, Janaraal Ne Win.

Xabsi guri

 

yadoo ku dayaneysa halgankii aan qalalaasaha lahayn ee ay xuquuqda rayidka ku raadin jireen hoggaamiyihii reer Mareykan ee lagu magacaabi jiray Martir Kingn Luthe iyo Mahatma Gandhi oo u dhashay Hindiya, waxay abaabushay isusoobaxyo waxayna u safartay dalka qeybihiisa kala duwan, iyadoo dalbaneysa isbadal dimuqraadiyadeed iyo doorashooyin xor ah.

Laakiin mudaharaadyadaas waxaa gacan bir ah ku wajahay militariga, oo awoodda ku qabsaday afgambi 18 September 1988. Sanadkii xigayba, Suu Kyi waxaa la galiyay xabsi guri.

Dowladdii militariga waxay ku dhawaaqday doorasho qaran bishii May ee sanadkii 1990-kii, taasoo ay ku guuleysteen xisbiga Suu Kyi ee NLD – laakiin maamulka milatariga way diideen in ay xukunka wareejiyaan.

Suu Kyi waxay xabsi guri kusii jirtay muddo lix sano ah, ilaa markii la sii daayay bishii July ee sanadkii 1995-kii.

Waxaa mar kale xabsi guri la galiyay bishii September ee sanadkii 2000, kaddib markii ay isku dayday in ay u safarto magaalada Mandalay iyadoo jabisay amar lagu siiyay in aysan meelna u safrin.

Waxaa shuruud la’aan lagu sii daayay 2002-dii, laakiin hal sano kaddib xilligaas waxaa xabsiga loo dhigay isku dhac dhex maray taageerayaasheeda iyo koox dowladda la safan.

 

Goor dambe ayaa loo oggolaaday in ay gurigeeda ku laabato laakiin waxaa looga dhigay xabsi guri aad u adag.

mararka qaarkood waxaa loo oggolaa in ay la kulanto hoggaamiyeyaasha NLD iyo diblomaasiyiin lasoo xulay, balse sanadihii hore waxaa lagu xakameynayay meel ay kaligeed ku tahay. Xitaa looma fasixi jirin in ay aragto carruurteeda iyo seygeeda, kaasoo kansar u dhintay bishii March ee sanadkii 1999-kii.

Mas’uuliyiinta militariga ayaa u oggolaaday in ay u safarto UK si ay usoo booqato ninkeeda oo aad u xanuunsanaa, laakiin waxay ka baqday in loo diido inay mar kale kusoo laabato dalkeeda.

Dib ugu biiristii siyaasadda

 

uu Kyi waa laga reebay doorashadii ugu horreysay ee Myanmar ka dhacday muddo labaatan sano gudahood ah, taasoo la qabtay 7 November 2010, laakiin waxaa xabsi guriga laga sii daayay lix maalmood kaddib.

Wiilkeeda Kim ayaa loo fasaxay in uu soo booqdo markii ugu horreysay muddo toban sano ah.

Maadaama ay dowladda cusub ku wajahneyd sidii isbaddal loogu sameyn lahaa hannaanka waddanka, Suu Kyi iyo xisbigeeda waxay dib ugu biireen dhaqdhaqaaqyada siyaasadda.

Doorashadii dhacday bishii April ee 2012-kii ayey ka heleen 43 ka mid ah 45-ta kursi ee loo tartamayay. Suu Kyi waxaa markaas loo dhaariyay xildhibaannimo, waxaana laga dhigay hoggaamiyaha mucaaradka.

Bishii May ee xigtay waxay Myanmar ka baxday markii ugu horreysay muddo 24 sano ah, iyadoo markaas loo saxiixay heshiis u oggolaanaya in ay dib ugu soo laaban karto waddanka.

 

Xasaradaha Rohingya

Tan iyo markii ay noqotay xubin sare oo ka tirsan dowladda, maamulkeeda waxaa lagu dhaliilay sida ay ula dhaqmeen muslimiinta looga tiro badan yahay waddankaas ee Rohingya.

Sanadkii 2017-kii, boqollaal kun oo reer Rohingya ah ayaa u barakacay waddanka dariska la ah ee Bangladesh kaddib markii ay milatariga howlgallo culus ku qaadeen magaalooyinkooda iyagoo ka jawaabaya weerarro dhiig ku daatay oo lagu qaaday saldhigyada booliska ee gobolka Rakhine.

Myanmar waxay hadda wajaheysaa dacwad la xiriirta xasuuq oo ay dhageysaneyso maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka, halka ay sidoo kale maxkamaddu baadheyso dambiyo ka dhan ah bani’aadannimada.

 

Dadkii horay dibadda uga taageeri jiray Suu Kyi ayaa ku eedeeyay in aysan waxba ka qabanin sidii loo joojin lahaa kufsiga, dilka iyo xasuuqa ay suuragalka tahay in la geystay, maadaama ay diidday in ay canbaareyso milatariga wali awoodda ku leh dalkaas.

Isbaddalkii oo la hakiyay

Tan iyo markii ay Suu Kyi iyo xisbigeeda NLD xukunka qansadeen waxay wajaheen dhaleeceyn ku aaddan in ay dacwado kusoo oogeen wariyeyaal iyo dad u dooda xuquuqda rayidka, iyagoo isticmaalaya shuruuc jirtay xilligii gumeysiga.

Horumar ayaa laga sameeyay dhinacyada qaar, laakiin militarigu wuxuu wali heystaa qeyb ka mid ah kuraasta baarlamaanka iyo wasaarado muhiim ah oo ay ku jirto tan gaashaandhigga, tan arrimaha gudaha iyo waliba maamulka xuduudaha.

Bishii August ee 2018-kii waxay Suu Kyi ganaraallada ku jiray goleheeda wasiirrada ee la eedeynayay ku qeexday “kuwo macaan”.

 

sbaddalkii dhinaca dimuqraadiyadda ee ay sameyneysay Myanmar, ayey dadka wax falanqeeya qaarkood u arkeen mid la hakiyay.

“Tallaabada ugu dambeysay ee ay qaadeen militariga Myanmar waxay u muuqataa mid qar iska tuurnimo ah, waxayna waddankaas galineysaa khatar,” ayuu yidhi Jonathan Head, oo ah wariyaha BBC-da ee Koonfur Bari Aasiya.

 

Waddankan ayaa horayba u ahaa dalka ku yaalla Koonfur-bari Aasiya ee saameynta ugu xun uu ku yeeshay cudurka Covid-19, taasoo culeys sii saartay waaxda caafimaadka oo aah awalba cago adag ku taagneyn. Xayiraadaha ayaa dhibaateeyay nolosha dadka.

Laakiin Suu Kyi wali waa qof laga jecel yahay dalkaas. Daraasad shacabka dhexdooda laga sameeyay sanadkii 2020-kii ayaa lagu ogaaday in 79% ka mid ah dadweynaha ay kalsooni ku qabaan iyada – tiradaas ayaa sare uga kacday halkii ay sanadkii hore mareysay oo ahayd 70%.

Derek Mitchell, oo ah Danjirihii hore ee Mareykanka u fadhiyay Myanmar, ayaa BBC-da ku yidhi: “Sheekada Aung San Suu Kyi waa mid iyada kaligeed ku saabsan. Waxaa laga yaabaa in aysan isbaddalin. Waxaa laga yaabaa in ay waligeed sidaas ahayd balse aan annagu garan weynay wajigeeda dhabta ah.

“Waa inaannu maanka ku hayno inaannaan dadka ugu ku qadarinin taariikhdooda oo iska ilowno bani’aadanimadooda”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here