HomeCiyaarahaXilliga Kylian Mbappe uu garoomada kusoo laabanyo oo la shaaciyay Kadib xanuun...

Xilliga Kylian Mbappe uu garoomada kusoo laabanyo oo la shaaciyay Kadib xanuun halis ah oo isbitaal loo dhigay

XIGASHO LAACIB.NET

Idaacadda reer Spain ee Cadena Ser ayaa sheegtay in xiddiga reer France Kylian Mbappe uu seegi doono kulanka ay Real Madrid la ciyaarayso Pachuca berrito oo Axad ah, taasoo qeyb ka ah wareegga labaad ee heerka group-yada ee Koobka Adduunka ee Kooxaha.

Sida laga soo xigtay isla warbixinta, suurtagalnimada uu Mbappe ku ciyaari karo kulanka wareegga saddexaad ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto Red Bull Salzburg ayaa sidoo kale ah mid aad u yar, maadaama uusan wali si buuxda uga soo kaban xanuunkii uu qabay.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in Mbappe laga yaabo inuu dib ugu soo laabto garoomada marka la gaaro wareegga 16-ka, haddii Real Madrid ay u soo gudubto marxaladdaas.

Mbappe ayaa horey u seegay kulankii furitaanka ee ay Real Madrid la ciyaartay kooxda Al Hilal, kaasoo ku dhammaaday barbaro 1/1 ah, sababo la xiriira caabuq kaga dhacay caloosha iyo mindhicirrada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -