GAROWE (DAYNIIILE.COM)-Xiriirka Ciyaaraha Puntland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay tartanka Xamar ka socda ee Maamul Goboleedyada Soomaaliya iyo sababta ay uga hareen.

Gudoomiye ku xigeenka xiriirka kubadda cagta Puntland Farxaan maxamed Nuur Caana Geel oo ka hadlayay munaasabad ay ku qabsadeen Garoowe ayaa daboolka ka qaaday inay uga hareen tartanka xamar ka socda arimo siyaasdaeed isagoo si weyna u dhaliilay Wasiirka ciyaaraha Dowlada Somalia.
Masuulkaan wuxuu ugu baaqay madaxda Sar sare ee Dowlada inay xilka ka qaadaan Wasiirka ciyaaraha oo sida uu warka u dhigay isaga laftiisa hore ugu sheegay inuu isboortiga Soomaaliya dhulka la geli doono.
Dhanka kale wuxuu sheegay inay dhibka la qeybsanayaan walaalahood reer Koonfur-Galbeed oo tartanka uga baxay weerar dhagxaan oo ay Muqdisho kala kulmeen.
“Madaxwayne Deni wuu ku mahadsanyahay go’aankii Madaxweyne waadna arkaysay waxa meesha maanta ka dhacay” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka xiriirka kubadda cagta Puntland Farxaan maxamed Nuur Caana Geel.
Halkaan ka daawo muuqaal uu diyaariyay Puntland TV:-

 

Advertisement

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleDowlada Somalia oo ka hadashay sababta diyaarada Itoobiya looga celiyay hawada Somalia
Next articleShirkadda Ethiopian Airlines oo ka hadashay diyaaradooda laga celiyay hawada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here