XIGASHO ASTAAN SPORTSÂ
Xiriirka Feerka Adduunka (IBA) ayaa ku eedeeyay Xiriirka Soomaaliyeed ee Feerka (SBF) inay jebiyeen shuruucda caalamiga ah, kadib markii ay qabteen doorasho aan sharci ahayn oo ay xilka kaga qaadeen Abdullahi Ahmed Olow (Jorje), ayna ku doorteen Awil Gele Ahmed.
IBA waxay ku amartay SBF inay keenaan caddeymo iyo sharaxaad 7 maalmood gudahood. Haddii aysan sidaas samayn, IBA waxay sheegtay in aysan aqoonsan doonin doorashadaas iyo hoggaanka cusub.

