Waxaa shalay magaalada Gaalkacyo ka furantay CAF D Licence Coaching Course, oo ay ka qeybgalayaan 32 tababare oo ka kala socda Puntland iyo Galmudug.
Munaasabadda furitaanka waxaa goob-joog ka ahaa Agaasimaha Waxbarashada iyo Horumarinta Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, Jamaal Xashi Tuure, Guddoomiyaha Ururka Kubadda Cagta Puntland, Abdixakiim Haynwade, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan bahda ciyaaraha.
Koorsadan ayaa qeyb ka ah dadaallada SFF ee lagu horumarinayo aqoonta iyo xirfadaha tababarayaasha, iyadoo sidoo kale xoojinaysa iskaashiga iyo horumarinta kubadda cagta ee Puntland iyo Galmudug.


















