HomeCiyaarahaXiriirka Kubadda Cagta Afrika oo ganaaxyo cul-culus dul dhigay Morocco Iyo Senegal...

Xiriirka Kubadda Cagta Afrika oo ganaaxyo cul-culus dul dhigay Morocco Iyo Senegal kadib dhacdooyinkii foosha xumaa ee Finalkii AFCON 2025

XIGASHO LAACIB.NET

Guddiga Anshaxa ee Xiriirka Kubbadda Cagta Afrika (CAF) ayaa soo saaray ciqaabo ka dhan ah Xiriirka Kubbadda Cagta Senegal, Xiriirka Kubbadda Cagta Boqortooyada Morocco, iyo sidoo kale dhowr ciyaaryahan iyo mas’uuliyiin, kaddib dhacdooyinkii ka dhacay final-kii Koobka Qaramada Afrika ee 2025 oo lagu qabtay Morocco.

Xulka qaranka Senegal ayaa ku guuleystay Koobka Qaramada Afrika ee 2025, kaddib markii ay 1–0 ku garaaceen xulka Morocco waqtigii dheeriga ahaa.

Ciyaarta ayaa martigelisay dhacdooyin aan horay loo arag, kaddib markii garsooruhu uu rigoore u dhigay xulka Morocco daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta. Arrintaasi waxay sababtay in ciyaartoyda Senegal ay si ku-meel-gaar ah uga baxaan garoonka, iyada oo ay jireen cabashooyin xooggan oo uga yimid tababareyaasha iyo ciyaartoyda Senegal go’aanka garsooraha awgiis. Ciyaarta ayaa dib loo bilaabay, balse Ibrahim Díaz ayaa si yaab leh u qasaariyay rigooradii, kaddib markii goolhaye Mendy uu si fudud u badbaadiyay. Natiijada waqtigii caadiga ahaa waxay ku dhammaatay barbarro goolal la’aan ah, waxaana la galay waqtiga dheeri ah oo ay Senegal ku dhalisay goolka guusha.

Ganaaxyada lagu riday Xiriirka Kubbadda Cagta Senegal

Shaqo ka Joojinta tababaraha xulka Senegal, Pape Bouna Thiaw, muddo 5 kulan oo rasmi ah oo ka tirsan tartamada CAF, sababo la xiriira anshax-xumo, iyo ganaax lacageed oo gaaraya 100,000 oo doollar.

Shaqo ka Joojinta ciyaartoyda Senegal Elimane Cheikh Baroy Ndiaye iyo Ismail Sarr min 2 kulan oo rasmi ah, sababo la xiriira anshax-xumo ay kula kaceen garsooraha.

Ganaax lacageed oo 300,000 oo doollar ah oo lagu riday Xiriirka Senegal, sababo la xiriira dabeecad aan habboonayn oo ay muujiyeen taageerayaashooda, taasoo dhaawacday sumcadda ciyaarta.

Ganaax lacageed oo 15,000 oo doollar ah, sababo la xiriira anshax-xumo ay sameeyeen shan ciyaaryahan oo digniino helay intii ciyaartu socotay.

Ganaaxyada lagu riday Xiriirka Kubbadda Cagta Boqortooyada Morocco

Shaqo ka Joojinta ciyaaryahanka Morocco Achraf Hakimi muddo 2 kulan oo rasmi ah, iyadoo hal kulan laga hakiyay muddo hal sano ah laga bilaabo taariikhda go’aanka, sababo la xiriira fal anshax-xumo ah oo uu ku kacay.

Shaqo ka Joojinta ciyaaryahanka Morocco Ismail Saibari muddo 3 kulan oo rasmi ah, iyo ganaax lacageed oo gaaraya 100,000 oo doollar.

Ganaax lacageed oo 200,000 oo doollar ah oo lagu riday Xiriirka Morocco, sababo la xiriira dabeecad aan habboonayn oo ay sameeyeen carruurtii kubbadda soo celinaysay intii ciyaartu socotay.

Ganaax lacageed oo 100,000 oo doollar ah, sababo la xiriira dhaqanka shaqaalaha farsamada ee xulka Morocco oo galay goobta VAR isla markaana carqaladeeyay shaqada garsooraha, taasoo jebisay mabaadi’da ciyaar caddaalad ah iyo hufnaan.

Ganaax lacageed oo 15,000 oo doollar ah, sababo la xiriira isticmaalka qalabka laser-ka ee ay sameeyeen taageerayaasha Morocco intii ciyaartu socotay.

Go’aanka CAF ee ku aaddan cabashada Xiriirka Morocco

Guddiga Anshaxa ee CAF ayaa diiday cabashadii uu Xiriirka Kubbadda Cagta Boqortooyada Morocco ka gudbiyay Xiriirka Senegal, taasoo ku saabsaneyd ku xadgudub la sheegay Qodobbada 82 iyo 84 ee xeerarka Koobka Qaramada Afrika ee la xiriira final-ka tartanka.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -