HomeCiyaarahaXiriirka Mainoo iyo Man United oo gaaray meeshii ugu xumayd – ma...

Xiriirka Mainoo iyo Man United oo gaaray meeshii ugu xumayd – ma baxayaa mise waa la celiyay?

XIGASHO LAACIB.NET

Sida uu qoray Daily Mail, xiriirka u dhexeeya Kobbie Mainoo iyo Manchester United ayaa gaaray heer aad u adag, kaddib markii aan weli loo soo bandhigin qandaraas cusub.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa hadda qaata mushahar ku dhow £40,000 toddobaadkii, taas oo lagu sheegay inay ka yar tahay ku dhowaad saddex-meelood meel qiimihiisa dhabta ah ee suuqa.

Mainoo ayaa rumeysan inuusan mustaqbal cad ku lahayn kooxda inta uu joogo tababare Rúben Amorim, wuxuuna hadda diyaar u yahay inuu aqbalo amaah bisha Janaayo ah oo ay ku jirto ikhtiyaar uu si rasmi ah uga tagayo kooxda.

Kooxda Napoli ayaa weli ah tan ugu horreysa ee xiisaynaysa saxiixiisa, iyadoo wararka ka imanaya Talyaaniga ay muujinayaan rajo sii kordheysa in tababare Antonio Conte uu doonayo inuu la saxiixdo, si uu mar kale ula midoobo Scott McTominay iyo Rasmus Højlund.

Si kastaba, ilo ku dhow Mainoo ayaa sheegay in dad kale oo ku jira kooxdiisa, oo uu ku jiro aabbihii Felix, ay si gaar ah uga fiirsanayaan xiriirka qotada dheer ee uu la leeyahay Manchester United, isla markaana ay rabaan in wixii bixitaan ah loo maareeyo si taxaddar leh.

Inkasta oo Mainoo uu had iyo jeer hiigsanayay inuu ku guuleysto Old Trafford, islamarkaana uu weli si xirfad leh u tababaranayo, haddana wuxuu dareemayaa in fursad la’aanta haysata ay ku khasbeyso inuu raadsado bilow cusub oo meel kale ah.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -