KA MID NOQO GARSOORAYAASHA KUBADDA CAGTA SOOMAALIYEED.
Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta wuxuu fursad u siinayaa dhalinyarada xiiseysa garsoorka kubadda cagta in ay iska diiwaangeliyaan sidii ay u noqon lahaayeen garsoorayaal cusub, iyadoo la bixinayo tababar rasmi ah iyo shahaado.
Qaybaha Da’da:
• Qaybta 1: 14–17 sano
• Qaybta 2: 18–25 sano
Shuruudaha:
• In aad leedahay xirfad wanaagsan oo Af-Ingiriisi ah (akhris & hadal)
• Xiiseyn dhab ah u qabto kubadda cagta
• In aad leedahay anshax wanaagsan iyo jir-dhis
• In aad hayso shahaado waxbarasho (ugu yaraan heer aasaasi ah)
• In aad hayso aqoonsi ama warqad dhalasho
• Oggolaansho waalid (kuwooda ka yar 18 sano)
• Warqad dhiirigelin ah (sababta aad rabto inaad noqoto garsoore)
Faa’iidada.
* Tababar tayo leh oo ay bixiyaan macallimiin aqoon iyo khibrad leh
* Shahaado rasmi ah oo ka timid Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta
 Muddo kama dambays ah: 20/08/2025

