Horumarinta waxbarashada iyo caafimaadka
Kor u qaadista amniga iyo nadaafadda magaalada
Abuurista fursado shaqo oo dhalinyarada ah
Xoojinta isla-xisaabtanka iyo la dagaallanka musuqmaasuqa
Xisbiga ayaa ugu baaqay shacabka Gobolka Banaadir in ay si firfircoon uga qaybqaataan doorashada, ayna doortaan hoggaan u adeegaya bulshada.
Ololaha Xisbiga Dadka Soomaaliyeed ayaa ka socda degmooyinka kala duwan ee Muqdisho, iyadoo la adeegsanayo wacyigelin toos ah, warbaahinta, iyo baraha bulshada.
HOOS KA AKHRISO QODOBADA OLOLAHA XISBIGA EE KU AADAN DOORASHOOYINKA GOLEYAASHA DEGAANKA DEGMOOYINKA GOBOLKA BANAADIR
Haddii aan xaqiijino guusha
Waxaan Ahmiyadda 1-aad siin doonnaa Qodobka Amniga Muqdisho
Horumarinta Adeegyada Bulshada
Waxaan ballanqaadaynaa in aan wax ka bedelno oo aan tayeyno adeegyada muhiimka ah ee bulshada, oo ay ku jiraan:
1-Caafimaadka
2-Waxbarashada
3-Wadooyinka iyo Nadaafadda
4-Guriyeynta dadka danyarta ah
5-Hoos u Dhigidda Canshuuraha Xad-dhaafka ah.
Waxaan dhiirri gelin doonnaa canshuuraha caddaaladda ku saleysan si loo yareeyo culeyska badan ku haya ganacsatada iyo wax soo saarka Gobolka Banaadir loona dhiirri-geliyo horumar dhaqaale.
Kaabayaasha Mushaharka Ciidamada
Waxaan kabi doonnaa mushaharka ciidamada qalabka sida.
Kor u qaadista mushaharka iyo xuquuqda ciidanka Dowladda Hoose ee Gobolka Banaadir
Keenista Maalgashi Waxtar Leh
Waxaan caasimadda keenni doonnaa maalgashi horumarin leh oo wax ka tari kara shaqo abuurka iyo nolol wanaagga.
Sugidda Amniga Caasimadda
Waxaan ka shaqayn doonnaa in Amniga Muqdisho noqdo mid la isku halayn karo, si dadka iyo ganacsigu u helaan xasillooni iyo kalsooni.
Taageeridda Barashada Qur’aanka & Diinta Islaamka
Waxaan dhiirrigelin doonnaa barista Qur’aanka Kariimka ah iyo Diinta Islaamka, si ay u noqdaan kuwo ku habboon barashada iyo tarbiyadda bulshada.
Hoos u Dhigista Qiimaha Maciishadda
Waxaan ka shaqayn doonnaa in la dhimo qiimaha maciishadda, si Muqdisho uga noqoto meel ay si sharaf leh ugu noolaan karaan dadka danyarta ah.
HOOS KA DAALACO HABRAACA CODEYNTA IYO SIDA AAD KU AQOONSANEYSO ASTAANTA XISBIGA
Waxaad hoos ku arki kartaa warqada codeynta ee muwaadinta codbixiyaha ah uu ku ridayo sanduuqa codeynta.
Qoraalka warqada waxaa ka muuqda magacyada iyo astaanta xisbiyo fara badan oo ku loolamaya doorashada.
Xisbiga dadka waa nambarka 17aad aqoonsiga xisbiga oo ah ISHA Waxaadna calaamada figta saareysaa calaamada sanduuqa ama afar xagalka ah ee ku taalla isha dhinaceeda midigta ah sida ka muuqata jaantuska hoos ku sawiran.

