HomeWarkiiXisbiga Himilo Qaran oo Dowlada ku eedeeyay doorasho sharci daro ah inay...

Xisbiga Himilo Qaran oo Dowlada ku eedeeyay doorasho sharci daro ah inay ku qabaneyso Iskuulada

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xildhibaan Yuusuf Gama’diid oo ka tirsan Xisbia Himilo Qaran ayaa war lka soo saaray arimaha doorashooyinka  isagoona ku eedeeyay Dowlada Somalia inay abaabuleyso doorasho aam sharci ahayn islamarkaana aan heshiis lagu ahayn sida uu warka u dhigay
“Hannaan doorasho iyo guddi doorasho oo la isku raacsanyahay illaa laga helayo lama dhihi karo waxa hadda socda doorasho qof iyo cod ah” ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Gama’diid u hadlay Xisbiga Himilo Qaran oo uu hogaamiyo Madaxweynihii hore Sharii Sheekh Axmed.
Xildhibaanka wuxuu tilmaamay in iskuuladii Magaalada Muqdisho Dowladu ka dalbatay inay furayaasha soo gudbiyaan si doorasho iyaga kaliya ay wataan ay ugu qabsadaan,wuxuu ugu baaqay maamulayaasha iskuulada inay iska diidaan.
“Iskuuladii Muqdisho dhan furihii ayaa lagala wareegay si doorasho ku sheegga loogu qabto iyadoo la ogyahay in dhawaan la qarxiyey Iskuul kaar lagu qaadanayey, Madaxweynaha wixii dhib ah ee Ardeyda gaara isagaa ka masuul ah” ayuu yiri XildhibaanYuusuf Gama’diid
“Waxaan warbaahinta gudaha uga mahadcelinayaa u adkeysiga qataraha iyo daruufaha adag ee ay la kulmaan marka ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo ee la xiriira tabinta wararka” ayuu mar kale yiri Xildhibaanka
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -