HomeWarkiiXisbiga Kurdiyiinta PKK oo bilaabay hubka inay dhigaan

Xisbiga Kurdiyiinta PKK oo bilaabay hubka inay dhigaan

PKK fighters burn weapons during disarming ceremony in Iraqi KurdistanXisbiga shaqaalaha Kurdistan (PKK) ayaa bilaabay talaabooyinkii ugu horeeyay ee hub ka dhigis ah, iyagoo soo xiray  ololaha hubeysan ee afarta sano socday ee ka dhanka ahaa dowladda Turkiga oo ay ku dhinteen in ka badan 40,000 oo qof.

Xaflad yar ayaa Jimcihii lagu qabtay Sulaimaniyah oo ka tirsan gobolka Kurdiyiinta waqooyiga Ciraaq, halkaas oo 20 ilaa 30 dagaalyahan oo PKK ah ay ku burburinayeen hubkooda halkii ay u dhiibi lahaayeen dowlad ama maamul.

Sawirro laga soo qaaday xafladda ayaa muujinayay hub lagu ururiyay digsi kadibna dab la qabadsiiyay.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa soo dhaweeyay horumarka, isagoo ku dhawaaqay inay iska tuureen silsiladihii dhiigga ee lagu xidhay lugaha dalkooda sida uu sheegay isagoo ula jeeda colaada mudada taagnayd.

Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in tallaabadan ay faa’iido u yeelan doonto gobolka oo dhan.

Talaabadan ayaa ka dambeysay ka dib markii bishii May ay PKK ku dhawaaqday inay ka baxayso halgankeeda hubaysan.

Inta badan taariikhdeeda, PKK waxa ay Turkiga, Midowga Yurub iyo Maraykanku ku tilmaameen koox argagixiso.

In ka badan 40,000 oo qof ayaa la dilay intii u dhaxeysay 1984-kii ilaa 2024-kii, iyadoo kumannaan Kurdiyiin ah ay ka carareen dagaalada ka socda Koonfur-bari ee Turkiga iyagoona galay magaalooyin ka fog dhanka waqooyi.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMArmed PKK fighters at disarming ceremony in Sulaimaniyah,, Iraq.,

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -