Madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle ayaa maanta mar kale loo doortay inuu xisbiga talada haya ee dalkaas RPP, ku matalo doorashada madaxweynaha ee lagu wado in ay dhacdo 9-ka bisha April ee sannadka soo socda ee 2026.
Go’aankan ayaa yimid kadib markii uu xisbiga RPP uu yeeshay shir aan caadi ahayn oo ka dhacay qasriga shacabka ee caasimadda Jabuuti, halkaasoo ay joogeen madaxda, xubnaha, ergayada xisbiga iyo shacab fara badan.
Madaxweyne Geelle oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa ku dhawaaqay inuu aqbalay magacaabista xisbiga, isagoo sheegay tallaabadan in ay muujanayso sida ay shacabka ugu kalsoon yihiin inuu si hoggaamiyo dalka markii lixaad si uu uga sii shaqeeyo midnimada ummadda iyo xoojinta guulaha dawladnimo,Geelle ayaa xukunka Jabuuti haya tan iyo sanadkii 1999-kii ilaa hada.
