HomeWarkiiXisbiga Shariif oo si kulul uga jawaabay hanjabaadii Wasiir Fiqi

Xisbiga Shariif oo si kulul uga jawaabay hanjabaadii Wasiir Fiqi

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-War maanta ka soo baxay Xisbiga Himilo -qaran ee Shariif Sheekh Axmed ayaa jawaab kulul wuxuu ka bixiyay hanjabaadii ka soo   baxday Wasiir Fiqi ee ku socotay siyaasiyiinta mucaaradka .

“Hanjabaada Fiqi waa fuleynimo iyo in nala daandaansanayo anagoon dagaal Rabin” ayuu yiri C/naasir Shubka oo ah Xogyaha Qorsheynta Xisbiga Himilo Qaran.
Masuulka oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale sheegay in hadalada ka soo baxaya wasiirada Dowlada sida Wasiir Fiqi oo ay ku ijaafeynayaan sida uu sheegay hogaanka mucaaradka  ay muujineyso inay ku fashilmeen shaqadii qaranka ay u hayeen.
“Hanjabada wasiir fiqi waxay la midtahay nin fulay ah oo daandaansanaya geesi aan hada dagaal rabin , laakiin Maalintii geesigu dagaal go,aansado fulaygu kabaha ayuu ka cararaa.” ayuu mar kale yiri C/naasir Shubka
Dadka siyaasada odorasa ayaa ka  digaya hadalada xanafta leh ee labada dhinac is dhaafsanayaan taasoo keeni karto xaalad abuur iyo xiisado dagaal.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -