HomeWarkiiXisbiga talada Dalka haya oo beeniyay in xaruntooda Cadaado la burburiyay

Xisbiga talada Dalka haya oo beeniyay in xaruntooda Cadaado la burburiyay

CADAADO (DAYNIILE.COM)-Xisbiga Talada Dalka haya ee JSP oo uu hogaamiyo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh maxamuud ayaa si weyn u beeniyay sawiro maanta baraha bulshada lagu shaaciyay kaasoo lagu sheegay in dad ka soo horjeeda xisbiga Madaxweynaha ay burburiyeen magaca Xisbiga oo lagu dal xardhay xarun ay dhawan ka furteen Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Muuqaal uu Xisbigu soo diyaariyay ayay si kooban ugu beeniyeen in warkaasi yahay been abuur la shaaciyay, muqaalka uu xisbiga isku difaacayay waxaa uu muujinayaa xarunta Cadaado ku taal oo nadiif ah islamarkaana aanu ka muuqan wax burbur ah.

Xisbiga Madaxweynaha oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqana JSP ayaa maalmihii ugu danbeeyay is diyaarin weyn laga dareemayay madaama dalku aadayo doorasho dadweyne,sidaas oo kale xisbiyo cusub oo mucaaradku isku kooxeysanayaan ayaa iyagana soo kordhaya.

Si kastaba ma jiraan warar madax banaan oo cadeynaya sheegashada kuwa warka hore shaaciyay iyo beeninta xisbigu ka soo daba saaray.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -