Xogeeyaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in talo xumada xukuumada Somaliland ay sabab u tahay colaada Laascaanood iyo in dadka qaar hub qaataan oo jabhado noqdaan.

Waxa uu madaxweynaha ku eedeeyay in uu maroorsaday taladii “Marka uu qof qudha ahi doono in uu dalka u maamulo sida uu isagu doono, waxa xaqiiqo ah in la raacayo jidkii burburka iyo jabka”.

Waxa uu ku eedeeyay madaxweynaha iyo xukuumadiisa in ay sabab u ahaayeen dagaalka ka dhacay Laascaanood, iyo ay soo baxdo jabhad dhawaan sheegtay in ay galeen buurta Gacan Libaax.

Advertisement

“6 sanno oo aan la noolayn talo xumo waxay inoo dhashay dagaalka Laascaanood ee caruurteeni ku qaxday ee ku darxumoonayaan ee dadkeenii ku dhimanayo, ee sumcadeenii ku baabaday ee rajadii aan aqoonsi ka qabnay ay ku hagaastay” ayuu yidhi Khadar.

“Waxay inoo dhashay in aad aragto dad is urursanaya oo leh jabhad ayaanu nahay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Khadar.

Waxa uu ugu danbayn, shacabka ugu baaqay in ay ka fogaadaan waxkasta oo nabadgalyada waxyeelaya, dulqaataan, wadajirkoodana ilaaliyaan.

Previous articleXiisad dagaal oo ka taagan magaalada Garoowe
Next articleAl Shabaab oo shaaciyeen Askar Itoobiyaan ay dileen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here