Xisbiga mucaaradka Somaliland ee WADDANI, ayaa sheegay in maanta wixii ka danbeeya anay xukuumada aqoonsan doonin, oo ay go’aan koodii ka dhabayn doonaan.

Xogeeyaha Arrimaha Guddaha ee Xisbiga WADDANI Maxamed Faarax Cabdi, oo warbaahinta Hargaysa kula hadlay, ayaa sheegay in maanta anay dhici doonin balaayo laga cabsado, lakiin ay balan qaad yadoodii hore ka dhabayn doonaan.

“Saacado ayaaba inaga xigoo xisbiga WADDANI waxa uu yidhaahdaa wax meel cidlo ah ku dhaca maaha, Allow yaanu waaga waraabe cunin waa la sugayaa uun, lakiin shacabka Somaliland balaayo la odhanayo, balaayadaasa idinku dhacaysa oo xisbiyadu soo wadaan ma jirto” ayuu yidhi Xogeeye Faarax.

Waxa uu sheegay in shacabka ay nolol u raadinayaan, lakiin anay rajo la’aan galinayn “Xisbiyadu shacabka Somaliland rajo nololeed ayay u raadinayaane iyaga quus nolosha kama galinayaan, markaa barina waad arki doontaa wixii soo baxa”.

Xogeeyuhu waxa uu sheegay in aanu wax rajo ah ka qabin wadahadalo mar kale u furma madaxweyne Biixi iyo axsaabta mucaaradka ah, isaga oo sheegay in madaxweynuhu ergooyinkii horeba ka gows adaygay.

Maanta ee 13 November, ayaa waxa dhamaanaya 5-tii sanno ee la doortay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, mucaaradka ayaa ku dhawaaqay in anay aqoonsan doonin sharcinimada xukuumada berri laga bilaabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here