Xildhibaanada qaar ayaa laga helay xog inay socoto abaabul Mooshin looga gudbinayo afhayeenka BFS Sheekh Aadan Maxamed nuur Madoobe.

Wararka aan helayno ayaa xaqiijinaya in Xildhibaanada qaar ay gudoomiye Aadan Madoobe ku eedeeyeen inuu xagal daacinayo hanaanka kulamada Baarlamaanka.

Guux weyn ayaa ka jira Muqdisho oo Mooshino kala duwan laga kar karinayo xilli gudoomiye kuxigeenka 1aad sacdiya Yaasiin Xaaji samatar ay iyana wajaheyso mooshin kale.

Afhayeenka golaha Shacabka ayaa lagu eedeeyey inuu taageeray muddo kordhin uu sameysto Madaxweyne lafta gareen laakiin taasi badelkeeda waxa loo ballan qaaday Xildhibaano difaaca.

Warqaad ayaa ogaatay in mooshinka afhayeenka golaha Shacabka Soomaaliya laga abaabulayo ay wax ka og tahay Villa Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here