Xog La ogaaday ayaa sheegeysa in Agaasimaha NISA Mahad Salaad uu qaaday tallaabo deg deg ah oo ku aadan shaqadii Booliska Muqdisho uu hoos udhigay.

Hay’ada Sirdoonka Qaranka iyo Nabad NISA ayaa la sheegay in howshii ay magaalada Muqdisho ka hayeen ciidanka booliska la hoos geeyey Hay’ada NISA.

Ilaa hadda lama oga sababta ka dambeysa arintaan balse waxaa jirta qorshe cusub oo la rabo in amniga caasimada lagu sugo oo NISA la hoos geeyey.

Howlwadeeno katirsan NISA iyo Booliska ayaa xaqiijiyey in Amaarkaan uu bixiyey Mahad Salaad sida muuqatana waa uu dhaqan galay, iyadoo la hakiyey howlgaladii ay ciidamadda booliska ee gobolka Banaadir iyo kuwa Haramcad ka sameyn jireen caasimadda Xamar.

Askari katirsan guutada Duufaan Ee NISA ayaa sheegay in howlgaladii Harmacad iyo Booliska Gobolka ay iyaga la wareegeen,iyadoo dhar cad badan magaalada lasoo gelin doono isbuucyada soo socda.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuu dyaa amray in NISA looga fadhiyo dagaal ka dhan ah Al shabaabka kusugan Muqdisho islarmarkaana ay la yimaadaan howl ka baaxad weyn tii hore.

Mahad Salaad oo dhaqan gelinaya warka Madaxweynaha ayaa howl geliyey cutubyada ciidanka,iyadoo dadka qaar ay sheegeen in dhacii caasimada ay yaraatay balse weli ay jiraan dilal qorsheysan oo magaalada dadka loogu geysto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here