XIGASHO LAACIB.NET
Warbixin layaab leh oo uu daabacay Diario AS ayaa shaaca ka qaaday in Virgil van Dijk uu isku dayay inuu xagaagii hore ku biiro Real Madrid ka hor inta uusan saxiixin heshiis kordhin cusub oo Liverpool ah bishii April.
Daafaca reer Holland ayaa helay dalabyo dhaqaale oo aad u weyn oo ka yimid Saudi Arabia, balse waxa uu sugayay Real Madrid, maadaama uu doonayay inuu u ciyaaro kooxda caanka ah ee Los Blancos.
Si kastaba, Madrid ma aysan danayn soo xero-gelintiisa.
Sababta ugu weyn ayaa la sheegay inay ahayd dhibkii jilibka ee uu la kulmay 2020, kaas oo wali lagu tilmaamo inuusan si buuxda uga soo kaban.
Sidaas darteed, Real Madrid waxa ay door bideen inay u dhaqaaqaan Dean Huijsen oo da’ yar, kuna soo baxay xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Bernabéu, isagoo noqday tiir muhiim ah oo difaaca Xabi Alonso.
Van Dijk hadda wuxuu ku sii nagaaday Liverpool, waxaana la rumeysan yahay in rabitaankiisii Madrid uu ahaa mid qarsoodi ahaa ilaa hadda.
XIGASHO LAACIB.NET
