Waxa haatan xog cusubi kasoo dhacday heshiiska ay Chelsea ku doonayso weeraryahanka Barcelona ee Pierre Emerick Aubameyang oo haatan muddooyinkii ugu dambeeyay lala xidhiidhinayay.

Aubameyang ayaa bishii February ee sanadkan uun ku biiray Barcelona oo uu xor ugu wareegay balse kooxdaas ayaa durba doontay inay iibiso kaddib markii uu Robert Lewandowski kaga yimid Bayern Munich dhawaan.

Blues ayaa ah kooxda xiisaha ugu badan u muujisay Aubameyang, dabcan ciyaaryahanka qudhiisa ayaa doonaya inuu ka dego Stamford Bridge maadaama oo uu ka helayo fursada uu Champions League kaga ciyaarayo.

Advertisements

Si kastaba, sida uu haatan sheegayo saxafiga aadka loogu kalsoon yahay ee David Ornstien, Barcelona iyo Chelsea ayaa ku dhaw inay ka heshiiyaan qiimaha Auba.

Ornstien ayaa sheegaya in Pierre uu Chelsea ugu soo biirayo heshiis 7.5 Milyan euros ah oo lagu daray daafaca bidix ee Marcos Alonso oo dhinaca Barca u wareegaya.

Warbixinta ayaa intaas ku daraysa in Aubameyang uu saxeexi doono heshiis laba sano ah oo sanadka saddexaadna dookh yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here