Sida uu sheegay wareysi uu bixiyey Daahir Cabdulle Calasoow oo ah saxafi muddo arimaha siyaasada falan qeeye ka ahaa ayaa dhawaan soo gaaray Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Soomaaliya.

Daahir waxa uu sheegay in 18 sano kadib uu xamar kusoo laabtay uu hadda u yimid inuu dadkiisa iyo dalkiisa ushaqeeyo islamarkaana uu xil ka qaban doono Dawladda Soomaaliya.

Daahir si cad uma uusan sheegin jagada loo dhiibi doono balse waxa uu wareysiga ku sheegay inay marti qaad udireen madaxda dalka ugu sareysa.

Ilo wareed ay Warqaad heshay ayaa sheegaya in Daahir Calasoow loo magacaabi doono xubin sare oo katirsan Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya maadaama arimaha sirdoonka uu aad utaxliiliyo.

Waxa uu wareysiga ku sheegay Daahir Cabdulle Calasoow in Al Shabaab laga adkaaday inta badan isagoo sheegay in dawladda hadda Soomaaliya ka jirta ay ka duwan tahay kuwii hore oo Shabaab iyo mas’uuliyiinta ay isku dhex milan aad ah ka dhex jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here