Qormadaan waxaan ku eegeynaa Labada dhinac ee isku haya dagaalada ka socda guud haan dalka cida ay dani ugu jiri karto roobabka iyo daadadka la saadaalinayo inuu ka dhaco dalal afrika ka mida oo ay Soomaaliyana kow ka tahay.

Haddaba istaraatiiji ahaan yaa faa’iido ku qabi kara yaase ku dhibaatoon doona oo gabi ahaanba ay u noqon doontaa waqtigiisii ugu adkaa.

Advertisement

Inkastoo aanan qibrad u laheyn sidoo kalana aanan la xiriirin saraakiil dhankaas qibrad u leh hadana kaliya fikir saxai oo kaliya ayaan ku wajahayaa  taasoo aan ku cabiri doono aragtideyda.

Ugu horeyn Roobabkaani waxay keeni doonaan hadiiba sadaashu run noqoto oo Rabi na garsiiyo  inuu istaago inta badan isku socodka gaadiidka iyo xitaa dadka marka ay halkaasi joogto waxay noqoneysaa labada dhinac yaa heysta qalab ama aalado uu isku maareeyo xilugaas adag sida diyaaradaha qumaatga u kaca oo kale ama gaadiid aad u xoog badan oo deegaanada isku dhaw dhaw xitaa sahayda u kala gudbin kara.

Dhankaas Dowlada Soomaaliya ayaa kaga istaraatiijisan dhanka Alshabaab inay ugu yaraan heli karto taageerada beesha caalamka sida UN-ka oo kale marka la eego diyaaradaha qumaatiga u kaca inkastoo roobaabka nuucaan ah xitaa ay adkaan doonto in diyaaradahaasi lagu tashto.

Dhanka kale hadii la dhaho in wax dhaqaaqa la waaya yaa dhaqaale ahaan halkooda maalmo badan gurmad ahaan isku sii celcelin kara iyadana waxay ku xiran tahay hadba sida saraakiisha Ciidamada hogaamineysa ay hada u sii diyaar garoobaan,

Wixii dheeraad ah oo qibrad iyo cadeyn u bahan waxaan u deynay dadka iska leh qibrada cidamada iyo istaraatiijiga hababka looga dabaasho dhibaatooyinka nuucaan oo kale ah.

WAXAA QOREY : SAXAFI SUUD-MAQAATE ku sugan Nairobi-Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here