Magaalada Muqdisho waxaa ka socdo kulan doceedyo looga hadlayo xaalada gobolka Gedo, xaalada siyaasaded  Gedo ayaa udhaxeyso labo kooxood oo mid walbo dooneyso in iyada looga dambeeyo.

Qorshaha socda ayaa waxaa ka mid ah In Jubbaland labo sano laga jaro oo Dawladda Federaalka Soomaaliya toos lo hoos keeno Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macalin Fiqi uu soo magacaabo Maamulka gobalka Gedo ayaa ah aragti dhawaan soo baxday taas oo ay siyaasiyiinta qaar ku qanacsaneyn.

Argatida kale ayaa ah in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe lagu wareejiyo Gobolka Gedo Maamul ahaan iyo ciidan ahaan taaso oo muddo sadex sano ku dhaw ay gacantiisa ku jirin Gobolkaasi.

Labada aragti ayaa dood kusaabsan ay ka socotaa kulamada Magaalada Muqdisho waxaana loo badinayaa suurgalnimada inay fashilanto in Gobolka Gedo Jubbaland laga jaro,sida ay ku doodayaan Wasiirka Amniga Dr Doodishe iyo Wasiru Dowlaha Wasaaradda Isbadelka Cimilada Aadan Aw-xirsi.

Madaxweyne Kuxigeenada 1aad Ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Madaxweyne Kuxigeenada 2aad Ee Jubbaland Suldaan C/qaadir Xaaji Luga dheere, Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland C/raxmaan Sheekh ayaa Muqdisho kusoo wajahan kuwaas oo xoojin doono wadahadalka si gor gortanka xaaladda Gedo ay Jubbaland ugu guuleysato in mar kale la hoos geeyo.

Madaxweynaha DFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaan cadeyn wali mowqifkiisa Gobolka Gedo, kulankii ugu horeeyay ee ay yeesheen isaga iyo Axmed Madoobe ayaan laga gaarin wax natiijo ah waana tan keentay duulan siyaasaded ay Siyaasiyiinta Kismaayo ay ku tegayaan Muqdisho.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabo in Saraakisha Ciidamada Gedo lawada badelo kuwa cusubna loo magacaabo gobalkaas kadibna isaga u magacaabo Gudoomiyaha gobalka Gedo iyo Kuxigeenadiisa,balse qorshahaasi waxay ku xiran tahay ogalashaheeda DF hase ahaatee aan la hubin inay qaadi doonto ama diidi doonto istaraatiijiyada ay Kismaayo rabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here