HomeWarkiiXog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka hadlay dagaalada Muqdisho ka socda

Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka hadlay dagaalada Muqdisho ka socda

NEW YORK (DAYNIILE.COM)-Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa war ka soo saaray dagaalada Muqdisho ka qarxay shalay galab kaasoo u dhexeeya ciidamada Dowlada iyo mucaaradkeeda hubeysan,waxaana ka dhashay khasaare kala duwan

Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu ugu horeyn cambaareeyay dagaalka isagoona dhanka kala muujiyay walaaca uu ka qabo dagaalka iyo dhibaatooyinka ka dhashay gaar ahaan dhibka shacabka gaaraya.

“waxaan ka walaacsanahay  dagaalka hubeysan ee la iiga soo sheegay Muqdisho 3-da June ,sababayna khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burburka kaabayaasha dhaqaalaha” ayuu yiri Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Mar uu ka hadlayay masuuliyada dagaalka iyo dhinacyada ka danbeeya ayuu  carabka ku adkeeyay inaaney jiri karin cudur ku saabsan dhibaatooyinka la gaarsiinayo shacabka wax kasta ha sababaan mar hadii dano siyaasadeed dhibaatada lagu geysanayo.

Masuulkaan ugu sareeya QM wuxuu xasuusiyay masuuliyiinta dagaashan ilaalinta sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada iyo sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.

Mar uu si dadban ugu digayay ama ugu hanjabayay Soomaalida wuxuu masuulkaasi  qoraalkiisa ku muujiyay  inay jiri doonto baaritaan iyo dacwad xili la raacayo qaab-dhismeedka sharciga caalamiga ah

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

May be an image of ticket stub and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -