KAMPALA (DAYNIIILE.COM)-Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo ku sgan Magaalada Campalla ee Xarunta Uganda ayaa ka hadlay damaca Dowlada Itoobiya ee ah dhulboobka hanatida Soomaaliyeed.

Antonio Guterres wuxuu sheegay in shuruucda caalamiga ah uu dhigayo in dunidu isku tix-geliso madax banaanida dhuleed ee dalka kasta gaarka u leeyahay.

Advertisement

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay  Soomaliya iyo Ethiopian inay wada hadal ku xaliyaan muranka ka dhex oogan labada waddan ee ka dhashay heshiiskii is-afgaradkii badda ee ay Ethiopia laga gashay Somaliland.

“mar walba waxaa na haga mabaa’diideena,waana ku kuwo xiriri la leh midnimo,qaranimada iyo madax-banaanida dhuleed, oo Soomaaliyana ay ka mid tahay”ayuu yiri Gutters

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu intaasi ku daray inay rajeynayaan suuragal-nimada in wada-hadal lagu dhameeyo xiisada labada dal ka dhex taagan.

Baaqaan ayaa daba socdo kuwo sidaan oo kale hore usoo baxay taasoo ahayd in la dhowro madax banaanida.iyo qaranimada Soomaaliya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Golaha Ammaanka Kaga Hadlay Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaaliya & Qodobo Kale, – WAJAALE NEWS

Previous articleQowmiyada Amxaarada maxay ka dhaheen heshiiskii dhex-maray Abiy Axmed iyo Muuse Biixi
Next articleMadaxweynaha Somalia oo Doxa kula kulmay Farmaajo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here