Puntland iyo Villa Somalia ayaa isku fahmi la’ qaabka loo bilaabayo wada-hadal toos ah oo ay yeeshaan labada dhinac.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa raadinaya in isaga iyo Xasan Shiikh oo keliya wada-hadal gaar ah yeeshaan halka Villa Somaalia doonayso in wada-xaajoodka loo xil-saaro guddiyo ka socda labada dhinac.

Advertisement

Saciid Deni ayaa doonaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka dhaadhiciyo damaciisa dib u doorashada iyo doorashada hadda socoto iney tahay mid sax ah.

Waxa uu sidoo kale Saciid Deni aad uga xun yahay in Dowladda Federalka ee madaxweyne Xasan Sheekh hogaamiyo in kuleel iyo qabow aysan ku heynin xiriirka Labada dhinac oo jaran.

Dhankiisa madaxweyne Xasan Sheekh oo og madax adeega Saciid Deni ayaa doonaya in kulamada ugu horeeya ay yeeshaan guddi ka kala socda Labada dhinac islamarkaana laga dodo waxyaabaha ay tahay in xiriirka u uu ku soo noqdo.

Todobaadkan ayey aheyd markii Baarlamaanka Puntland ay anisixyeen waxkabadalka Dastuurka midaa horay dagaal uga abuurtay magaalada Garoowe.

Dhinaca kale Mucaaradka Saciid Deni ayaa wada abaabul xoogan iyaga oo ka shaqeynaya iney qabsadaan doorasho u gaar ah kadib markii ay ogaadeen in hanaanka uu wado Saciid Deni uu yahay mid uu isaga oo kaliya ku soo baxayo
Previous articleXildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ee laga soo doorto Puntland oo baaq soo saaray
Next articleDagaal xoogan oo hada ka socda Magaalada Barbara Ee Soomaalilaand

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here