MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Warar ku dhaw dhaw kulankii Xalay dhexmaray Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo Sanatar Muuse Suudi warar kala duwan ayaa ka soo baxaya.

Muuse Suudi oo Madaxweynaha ay iskula dheceen xilka duqa Muqdisho oo uu u rabay Beesha Galmaax Yoonis ayaa la leeyahay is faham baa ka soo baxay.

Advertisement

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweynuhu aqbalay in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho la siiyo Siyaasi ka soo jeeda Galmaax Yoonis taasoo meesha ka saareysa Yuusuf Madaale oo ka tirsan Xisbiga Madaxweynaha ee UPD..

Sidoo kale Talaabadaan waxay meesha ka saareysaa xurguftii u dhexeysay Madaxweynaha iyo Sanatarka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleXOG: Maxaa isku soo aadiyay waqtiyo isku dhaw guuldarooyinka Dowlada iyo diyaaradii UN-ka ee ku dhacday dhulka Alshabaab
Next articleMaamulka Puntland oo si adag uga hor-yimid wax ka badalka Dastuurka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here