Xeryaha Dadaab oo kuyaala duleedka Waaberi ee Garissa waxay maalmihii lasoo dhaafey Marti gelisey #Hawo la’aan (Network) kaasi oo ciriiri geliyey xiriirka dadweynaha iyo ganacsiga intaba.

MA XAALAD AMAAN AYAA LOO JARAYAA MISE #KCSE DARTEED❓

Advertisement

Ciladan waxay bilaawatey kadib markii intixaanka KCSE bilaawdey waxayna ujeedka ugu weeyn uu yahay in lagu xakameeyo isu gudbinta #Qashka iyo wada socodka kuwa xaruunta jooga iyo kuwa banaanka kasoo qaraba.

Waxay Tani Soo ifbaxeysaa kadib markii 4 ardey lagu qabtey taleefano iyagoo kula jira xaruunta intixaanka xerada #Hagadhera.

Jarida Network-ga ayaa haatan Hal u aragtey wasaarada waxbarashada Kenya laanteeda Dadaab kadib markii roobab mahiigan ah kada’een xeryaha kaasi oo xayirey iney #KNEC timaado xaruumaha intixaanka beddelkeedse network-ga ayaa Hal loo arkey.

Sidoo kle xeryaha Dadaab waxaa todabaadkii lasoo dhaafey kadhacy Qarax noociisu ahaa kan dhulka lagu aaso oo kudhinteen 2 ruux oo GSU ahaa halka 4 klena ay kudhaawacmen kagadaal markii gaarigooda lagula eegtey Warta cagey ee deegaanka Dadaab.

Shir labageesood ah oo ay yeesheen laamaha amaankq Dadaab iyo wasaarada waxbarashada laanteeda Dadaab waxay isku raaceen iney karaan network-ga sacado kamid ah maalintii.

Hassan Mwalimu, Dadaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here