Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa 15-ka bishan March billaabeysa dhageysiga dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Muddo ka badan shan sano ayuu soo jiitamayay kiiska oo marxalado badan soo maray, caqabado xoog lehna soo wajahay, sida dib u dhacii uu sababay cudurka safmarka ah ee corona.

Hadal heynta ayaa maalmahan sii xoogeysaneysay maadaama uu soo dhawaaday waqdiga lagu dhawaaqayo xukunka kama dambeysta ah.

Waxyaabo badan ayay garsoorku eegi doonaan si ay hal dal ugu go’aamiyaan qaybaha lagu muransan yahay.

Xadkii Ingiriiska iyo Talyaaniga

Marka lasoo hadal qaado muranka xadka badda ee Soomaaliya iyo Kenya waxaa dad badan kusoo dhaca su’aal ku saabsan sababta marka horeba keentay in la is qabto.

Labada waddan waxaa gumeystay Ingiriiska iyo Talyaaniga, xadka dhulkana iyaga ayaa u sameeyay ka hor inta aysan ku wareejinin madaxbannaanidooda.

Gumeystayaasha ma go’aamiyeen xadka badda, maxayse ku qorsheeyeen?

Admiraal Faarax Axmed Cumar, oo loo yaqaanno Faarax Qaren, oo madax ka ah hay’adda cilmi baarista badaha Soomaaliyeed ayaa BBC-da u sharraxay qaabka uu ahaa heshiiskii Talyaaniga iyo Ingiriiska.

“Horta xuduuddaan Kenya iyo Soomaaliya ma wada dhiganin, Talyaani iyo Ingiriis baa wada dhigtay oo labada dhinac isticmaarsanayay. 25-kii July, 1924-kii ayay ku kala saxiixdeen London, sidaas ayuu Ingiriiska Talyaaniga ugu wareejiyay dhulka hadda loo yaqaanno Jubbaland.

“Xuduudda marka waa la calaamadeeyay, waxaa loo diray injineerro calaamadeeyay, 29 calaamad oo dhagax shub ah ayaa lagu calaamadeeyay. Kan 29-aad wuxuu taagan yahay xeebta badda Raas Kambooni koonfurkiisa ayuu taagan yahay.

“Markii dhulki la xadeeyay waxaa loo baahday xuduud badeed, waxay sharciga ku qoreen ‘xuduudda baddu waa xariiqin halka ay xuduudda dhulka kasoo gasha ka baxeysa oo taagan, oo toosan, oo badda u jeedda, oo jasiiradaha labo shaanka ah ee shanta ah dhinaca galbeed ka mareysa,”, ayuu yiri Faarax Qare oo marna ahaa taliyaha ciidamada badda ee Soomaaliya.

Qaabkan ayaa ah midka ay dowladda Soomaaliya ku doodeyso in loo cabiro xadka badda, iyadoo dacwadda ICJ-na sidaas ku saleysay, halka Kenya ay ku adkeysaneyso in xariiqinta dhanka kale oo leexiyo.

Fikraddii ay ku billaabatay gudbinta dacwadda badda

Dad badan waxba kama xasuustaan sida ay sheekada furitaanka dacwadda ku billaabatay markii ugu horreysay.

Bishii July ee sanadkii 2015-kii ayey dowladda Soomaaliya si rasmi ah maxkamadda ICJ ugu gudbisay dacwadda ku saabsan muranka badda ee kala dhaxeeya Kenya.

Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan (midig) iyo Muna Sharmaani

XIGASHADA SAWIRKA,ICJ/AMB. FOWZIA

Qoraalka sawirka,Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan (midig) iyo Muna Sharmaani

Xilligaas ka hor waxaa marxalado badan laga soo maray sidii kiiska loo geyn lahaa maxkamadda.

Haddaba Sidey ku billaabatay?

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa BBC-da uga warrantay sida ay ku timid fikradda gudbinta dacwada, oo ahayd mid ka billaabatay iyada oo fadhisa Makhaayad ku taalla dalka Mareykanka.

“Anigoo New York jooga 2013-kii ayaa waxaa isoo booqatay Muna Sharmaani, hoteelki aan joognay ayey iigu timid, dhinaca makhaayadda ayaan u baxnay si aan shaah u cabno. Waxaan weydiiyay meesha ay ka shaqeyso, kaddib waxay igu tiri, ‘waxaan ka shaqeeyaa xafiiska badda ee Qaramada Midoobay’. Waxaan ku idhi ‘Muna bal ii ga warran badda Soomaalia’.”

“Afar waddan baa baddeena kusoo durkay”

.

Fowziya ayaa sheegtay in markii ay ogaatay in Muna ay ka shaqeyso arrimaha xuduudaha badaha ee caalamka ay go’aansatay in ay sharraxaad ka hesho sida loo wajihi karo xaaladda.

“Muna waxay igu tidhi ‘baddeenna afar waddan baa ku soo durkay’, afartii waddan bay ii sheegtay waxaana ku jirtay Kenya. Waxaan ku idhi maxaynu ka qaban karnaa? Waxay igu tidhi ‘waa loo dagaallami karaa laakiin anigu darajadeyda way hooseysaaye madaxda iga sarreysa ayaan kuu geynayaa’, Kaddib saraakiishii xafiiskeeda ayaan u tagay si buuxda ayaana la iigu sharraxay arrinta anigoo wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya,” ayey tidhi Fowziya.

“Shan qareen baa ii faahfaahiyay xaaladda, waxayna ii sheegeen in Kenya ay soo waddo warqado ay maxkamadda geyneyso sanadka 2014-ka haddii aan carqaladeyn weynana loo saxiixayo ayna xaq u yeelanayaan badda. Kaddib markii aan dalka kusoo laabtay ayaan madaxweynaha kala tashtay, laakiin wuxuu ii sheegay in baarlamaanku uusan oggoleyn in lasoo hadal qaado mowduucaas oo buuq badan ka dhici karo,” ayey tidhi.

Waxay Amb. Fowziya intaas raacisay in markii dmabe ay kulansiisay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Muno Sharmaan.

“Markii ugu dambeysay ee aan Madaxweynaha ku noqday waxaan u sheegay in aan doonayo inaan Muno Sharmaan keeno Xamar oo uu dhageysto, markii aan keenay oo la fariisannayna arrintii waan ku qancinnay madaxweynaha.”

Halkaas ayey Fowziya iyo Muno Sharmaan kasii wadeen dadaalka ku aaddan loollanka xadka badda ee Soomaaliya iyo Kenya, sida ay Wasiiraddii hore u sheegtay BBC-da.

Ugu dambeyn waxaa lagu guuleystay in Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyo kudbinta dacwada, sidaasna kiiska loogu geeyay ICJ.

.

dacwada, sidaasna kiiska loogu geeyay ICJ.

.

XIGASHADA SAWIRKA,ICJ

Muna Sharmaan oo dhowr sano ku caan baxday dadaalka ay ugu jirtay kiiska badda ee Dhinaca Soomaaliya ayaa sanadkii 2019-kii isaga baxday qareennada difaacayay Soomalaiya.

Taariikhda dacwadda Badda ee ICJ ee Soomaaliya iyo Kenya

Dacwaddan la xiriirta muranka dhanka xuduudda badda ayaa soo jiitameysay in ka badan 10 sano, balse dowladdii madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii July ee 2014-kii, maxkamadda ICJ geysay kiis ka dhan ahaa Kenya oo dooneysa in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka.

Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo.

Baaxadda uu ku fadhiyo badda lagu muransan yahay waxa uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah.

Markii hore kiiska wuxuu ku saabsanaa in ICJ ay dhagesan karto muranka laba dal ayna go’aan ka gaari karto.

April 7, 2009:- Dowladdii Kumeel Gaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya ayaa kala saxiixday heshiis Isfahan ah oo la xiriiray xadka badda ee labada dhinac.

Heshiiskaasi waxaa dinaca Soomaaliya u saxiixay Cabdiraxman Cabdishakur, oo xilligaasi ahaa wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah.

Dhanka Kenya waxaa u saxiixay Moses Wetangula, oo markaasi ahaa wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya.

Heshiiskaas kuma jirin arrinta la xiriirta xadka badda, balse wuxuu dhigayay hanaankii loo mari lahaa in lagu xalliyo khilaafka xadka badda ee laba dal u dhexeeya.

August 1, 2009:- Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood dheer ka dib, aqlabiyad ballaaran ugu codeeyay in la laalo heshiiska isafgaradka ahaa ee dhex maray Soomaaliya iyo Kenya.

Kulan aan caadiga ahayn oo ay yeesheen ayay Baaramaanka gebi ahaanba ku diideen in xitaa doodda ku saabsan arrintan dib loo dhigo, oo wasiirka arrintan khuseyso la siiyo fursad uu ku faahfaahiyo heshiiska.

Qoraalka Codka,Xasan Sheekh oo ku dhaliilay dowladda Soomaaliya inay ka gaabisay dacwadda muranka badda

July 13, 2015:- Sannad ka dib markii ay ku war galisay maxkamadda iney dacwad u soo waddo, Soomaaliya ayaa rasmi ahaan kiiska badda u geysay maxkamadda cadaaladda caalamiga ah ee ICJ.

Xeerilaaliyaha Soomaaliya Axmed Cali oo BBC-da la hadlayay xilligaasi ayaa sheegay in arrintan ay go’aankeeda gaari karto oo keliya maxkamaddaasi, halka Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya ee xilligaasi Githu Muigai uu isagana BBC-da u sheegay in Soomaaliya aysan xaq u lahayn in kiiskan ay geyso maxkamaddaas.

December 18, 2017:- Kenya ayaa xareysay jawaabta ay ka bixineysay kiiska ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.

Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya wuxuu ku dooday in maxkamadda aysan xaq u lahayn inay go’aan ka gaarto kiiskan. Wuxuu codsaday in arrintan ay labada dal ku xalliyaan wadahadal.

Soomaaliya ayaa iyaduna dhankeeda bixisay jawaabteeda ku aaddan codsigii Kenya ay maxkamadda uga dalbatay in arrintan dibedda maxkamadda lagu xalliyo.

Xeerilaaliyaha Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa ku adkeystay in Soomaaliya ay u aragto in maxkamadda ay tahay goobta keliya ee lagu kala bixi karo. Waxayna xukuumaddiisa diidday dooddii Kenya ee ahayd in labada dhinac ay gaareen heshiis Isfahan oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah, kaas oo ay tahay in Soomaaliya ay xushmeyso.

Soomaaliya aya ku doodday in heshiiskaasi uusan sharci ahayn maadaamma uu diiday baarlamaankii Soomaaliya ee xilligaas.

Feb 02, 2018:- Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Xaakimiinta Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya.

Ka bood Twitter boggan, 1

Dhammaadka Twitter boggan, 1

Hase ahaatee, maxkamaddu weli ma aysan qaban taariikhda la dhegeysan doono dacwadda.

Feb 07, 2019:- Soomaaliya ayaa waxay London ku qabatay shir ay ku sheegtay inuu suuq-geyn u ahaa shidaalka Soomaaliya.

Bishii Oktoobar ee sannadkii 2019 : Maxkamadda Caddaallada Adduunka waxay dib u dhigtay dhageysiga kiiska badda oo xilliggaas la qorsheeyay in uu dhaco 4-ta Nofeembar, balse waxay ka dhigtay illaa bisha June ee sannadka 2020-ka.

Dhowr jeer oo la filayay in dhageysiga kiiska uu billowdo sanadkii 20-kii gudihiisa ayaa la baajiyay kaddib markii ay Kenya codsatay in waqti dheeri ah la siiyo sababo la xiriira saameynta cudurka Covid-19.

Dhowr bilood ka hor ayey garsoorka ICJ ku gacan seyreen dalab kale oo Kenya ay ku dooneysa dib u dhigista dacwadda, waxaana hadda loo ballan san yahay in dhageysiga uu furmo maalinta Isniinta ah ee isbuuca soo socda.

Isha Warka: Bbc Somali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here