Istanbul (dayniiile.com)-Warar hoose oo uu helay mareegta dayniiile.com ayaa sheegeysa in 14 dhlinyaro oo ka mid ah Kooxda Dab-damiska Gobolka Banaadir ee dhawaan tababarku ugu soo dhamaaday Dalka Turkey in garoonka diyaaradaha Istanbul Airport lagu xanibay  Saacado islamarkaana laga kansalay Tikadhadii ay xamar ku imaa lahaayeen.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Masuuliyiinta Garoonka ay ku eedeeyeen Soomaalida inay ka dib dhaceen xiligii ay ku qornaayeen diyaaradii qaadi lahayd  islamarkaana ay cagaha dhulka ka qaaday.

Advertisement

Sida xogta aan ku helnay howlwadeenada garoonka ayaa guud ahaan soomaalida waxay kala wareegeen tikadhadii kadibna waxay ku amreen inay wacdaan masuuliyiintooda ama safaarada Somalia.

2 Habeen ka hore ayay ahayd markii ay gaareen garoonka Istanbul markaasoo dhibaatadaasi qabsatay inkastoo saacado kadib ay la xaliyay.

Kooxdaan Waaxda Gurmadka Deg-dega ee dabdamiska ka socda waxaa hogaaminayay Agaasimaha waaxda Gurmadka degdega.

Wararka aan helnay waxay intaasi ku darayaan Saacado kadib lala xiriiray Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Madaale islamarkaana uu ugu danbeyn xaliyay.

Gudoomiyaha oo waaxda dab-damisku ay hoos tagto ayaa la sheegay inuu mar kale iibiyay tikadho cusub sidaasna ay ku soo baxeen.

Si kastaba Saaka soo gaareen Aadan Abdulle Airport  ee Magaalada Muqdisho.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

May be an image of 6 people, people playing football and text

Previous articleDagaal Beelo Soomaaliyeed u dhexeeya oo ka socda Kilinka 5aad Itoobiya
Next articleShir dalalka waa weyn ay ku yeesheen Ankara oo lagu taageeray dagaalka Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here