Jerusalem (dayniiile.com)-Haweeney ka mida Ciidamada Yuhuuda ayaa shaqada laga eryay markii lagu eedeeyay inay xiriir galmo la sameysay nin Maxbuus ah oo u dhashay Dalka Falastiin.

Sida BBC-da sheegtay askariyadaan ayaa qiratay inuu u galmooday ninka maxbuuska ah ee reer Falastiin.

Advertisement

Dhanka kale askariyadaan oo xitaa magaceeda la qariyay ayaa sheegtay in ninka Falastiiniga ah uu sidoo kale u galmooday afar Haween kale oo dhamaantood Yuhuud ah.

Askariyadaan Yuhuuda ah oo hada xiran islamarkaana saaran maxkamad ayaa la sheegay inay hore uga tirsanaan jirtay Ciidamada Milatariga Yuhuuda ama Israa’iil .

Maxkamada Israa’iil  war ka soo baxay ayaa lagu amray inaan la faafin karin macluumaadka la xiriira askariyadaan maxkamada saaran.

Waaxda Xabsiyada Yuhuuda iyo Wasiirka Amniga ayaa isku raaceen inaaney mar danbe xabsiyada ka shqeyn karin afarta askari ee Yuhuuda ah kuwaasoo uu isku maray Maxbuuska reer Falastiin dhamaantoodna uu la sameeyay Xiriirka Galmo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here