Xildhibaan Faarax Macalin oo ka mida Xildhibaanada Dalka Kenya ee laga soo doorto xerada qaxootiga dhadhaab ayaa twiterkiisa ku soo qoray war mal-dahan oo u eg dhiiri gelin in ciidamada Soomaaliya af-ganbiyaan madaxda u sareysa Dowlada Soomaaliya.

Xildhibaankaan ayaa mar uu ka hadlaayay xaalada Soomaaliya wuxuu baaq u direy ciidamada Xoogga dalka iyadoo markaa kadib loo fahmay ku baaqid afganbi taasoo keentay hadal heyn badan.

Advertisement

Qaar ka mida Xildhibaanada Soomaaliya ayaa falcelino lidi ku ah waxay ka bixiyeen warka xildhibaanka Somali Kenyaanka ah oo mar kasta ka hadla xaalada Soomaaliya.

Xildhibaan Faarax Macalin hadaladiisa  maldahnaa ee hadal heyntu ka dhalatay ayaa sidan u qornaa:-

Ciidanka Xoogga Dalka ee loo soo gaabiyo SNA, waa inay  Soomaaliya ka samata-bixiyaan siyaasiyiinta calooshood u shaqeystayaasha ah iyo dhagar qabayaasha shisheeye  inta aanu wakhtigu dhicin.

Xildhibaan Mursal Maxamed Khaliif  oo ka mida baarlamaanka Soomaaliya ayaa Faarac Macalin usoo qorey ku mashquul shaqada deeganadii lagaa soo doortay.

Siyaasigan oo Soomaali Kenyaan ah ayaa aad u taageeri jirey Madaxweynihii hore  Maxamed C/llaahi Farmaajo xiligii uu talada hayay xiligaasoo sidoo kale lagu dhaliili jirey inuu si qabyaaladeysan u tageero Farmajo.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

 

Previous articleSheekh Umal oo la beeniyay inuu xanuunsan yahay
Next articleXog Mareykanka ,Turkiga iyo Madaxwene Xasan Sheikh oo isla gartay in Xilka laga qaado Mahad Salaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here